Qudhunka Ay Yurub Ka Soo Dhex Kacday: Xogo Yaab Leh Oo Soo Bandhigaya Waayihii Foosha Xumaa Ee Reer Yurub Iyo Sida Ay Halkan Ku Gaadheen (Q. 4)

0
597

1London (Geeska)- Buuggan ‘Qirashooyinka Burjuwaasigu” waxa uu Sandor Marai kaga warramayaa sababta ay dadku uga baqanayeen biyaha in ay ka mid ahayd dhakhaatiirta iyo dadka aqoonta la bidayo oo qudhoodu arrintaas dhiirrigelinayey, waxa aanu cinwaan hoosaad ka dhigta:

Maydhashadu jidhkay daciifisaa:

Waxa uu sheegayaa sida uu ula yaaban yahay in watqigii lagu tilmaami jiray hinqashada (Kor-u-kaca) Yurub aanay dad badani u awoodin in ay fahmaan sababta keenaysa cudurro xilligaas aad dadku ugu le’deen oo ay ka mid yihiin, Shubanka, Daacuunka iyo cudurka Waraabowga oo sidoo kale loo yaqaanno Xabadda ama Isfiilatada, waxaa iyaduna yaab leh in dadkii aqoonta sayniska xilligaa la bidayey ay aaminsanaayeenba in ku maydhashada biyaha diirrani ay jidhka daciifiso, cudurro badanna ku keento.

Sandor Marai waxa uu sheegay in xilligaas ay jirtay talooyin caafimaad oo dadka loogu sheegayo in sida ugu habboon ee la isu nadiifin karaa ay tahay in la isticmaalo walxo qallalan oo la isku masaxo iyada oo aan wax biyo ah jidhka la taabsiin. Carruurta waxaa waajiga loogu nadiifin jiray harqad yar (Maro) oo qallalan, waayo waxaa la aaminsanaa in isticmaalka biyuhu ay wejia ka kaxeeyaa midabbada dabiiciga ah ee ilmaha, isla markaana u nugleeyo fallaadhaha qorraxda iyo dabaysha qabow.

Sandor Marai oo keliya ma’aha aqoonyahanka wax ka qoray nadaafad darrada qaaradda Yurub ay caanka ku ahayd qarniyadii dhexe. Waxaa isna daraasad arrintaas la xidhiidha sameeyey qoraagii Faransiiska ahaa ee George Vaegaral oo ogaaday in dhaqanka uskagga ahaa iyo nacaybka biyuhu ay xitaa qabeen dadka dabaqadda sare ee Yurub. Vaegaral waxa uu daraasaddiisan ku sheegay in xilligii uu Faransiiska ka talinayey boqorkii la odhan jiray Louis kii afar iyo tobnaad, ay dumarka jidhkooda iyo nadaafaddooda ugu dadaalka badnaa ay ahaayeen kuwa ugu badnaan laba jeer sannadkii maydha jidhka, boqorka qudhiisuna waxa uun uu maydhan jiray marka sababo caafimaad darro awgeed uun lagula taliyo. Weliba markaas marka uu maydhanayana dhowr arrimood ayaa lagama maarmaan u ahaa in uu taxaddar ahaan u sameeyo maydhashada ka hor. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii gaarka ahayd ee boqor Louis ka Afar iyo tobnaad, ayaa mar uu ka sheekaynayey waxa uu taxaddar ahaan samayn jiray inta aanu boqorku maydhan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Waxa aan diyaarin jiray meesha uu boqorku ku maydhanayo, marka uu soo galo goobtan maydhashada waxa uu dareemi jiray, culays badan oo jidhkiisa saaran iyo madax xanuun aad ah, sidaas awgeed ayaa aan isaga ilaalin jiray in aan ku dhiirrigeliyo maydhashada” La soco…