Khataraha Caafimaad Ee Hareer Socda Faa’iidada Hurdada Duhurka Dabadii, Waxaa Ka Mid Ah Macaanka, Dhiigkarka Iyo Dufanka Dhiigga (Kalastaroolka Oo Bata)

0
814

1In kasta oo muddo dheer la soo aaminsanaa in sababta ugu weyn ee keenta cudurka macaanku ay tahay hidde raacid, haddana cilmibaadhayaal dhowaan arrintan daraaseeyey waxa ay ogaadeen in ay jiraan sababo kale oo tiro badan oo iyaua keeni kara cudurkan macaanka oo u qaybsama saddex nooc oo kala ah: Macaanka 1aad, Macaanka nooca 2aad iyo Macaanka uurka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in hurdada duhurka dabadii ee saacad ka badan la seexdaa ay keeni karto cudurka macaanka, iyo sidoo kale cudurro ay ka mid yihiin, wadne xanuunka, dufanka (Kalastaroolka) oo dhiigga ku bata, dhiigkarka iyo miisaanka qofka oo kordha. Sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka ka faalloota, daraasad kale ayaa iyaduna daahfurtay in dadka inta badan duhurka dabadii seexda hurdo saacad iyo ka badan ahi ay yihiin muujinayso in ay xanuunno leeyihiin, tusaale ahaan dadka neeftu qabato ama qawada habeenkii marka ay seexdaan ma helaan hurdo habeennimo oo ku filan sidaa awgeed waxa ay ka mid yihiin dadka maalintii saacadaha badan seexda, taas oo macnaheedu yahay in qofku haddii uu is arko in duhurka dabadii uu saacado badan seexdo ay tahay in uu dib isugu noqdo oo uu hubiyo hurdadiisa habeennimo in ay cillado caafimaad xumeeyaan sida neefsiga aynu sheegnay oo mararka qaarkood ay dhici karto in aanu qofku iskuba ogeyn.

Daraasaddaasi waxa ay sheegtay in hurdo xumada habeenkii ay dhiirrigeliso in jidhku uu soo daayo hormoonka qulubka sababa ee loo yaqaanno Cortisol, kaas oo marka uu jidhka ku bato keena dhiigkarka iyo in macaanka dhiiggu kor u kaco.

Waxaa xusid mudan in sababaha kale ee cudurka macaanka keena ay ka mid tahay in uu qofku isku badiyo cuntada, gaar ahaan nooca dufanka badan, diiqadda iyo culayska badan ee nafsiga ah, qofka oo aan jimicsi jidheed samayn iyo isticmaalka alkoosha.

Ugu dambayntii waxa ay hore khubarada caafimaadku u xuseen in hurdada duhurka dabadii ay caafimaadka u fiican tahay, gaar ahaan ay nasasho u tahay maskaxda iyo neerfayaasha sidaa awgeed qofka seexdaa uu ka qaado firfircooni, waxa se ay marar badan ku celiyaan in hurdada uu qofku duhurka dabadii u baahan yahay ay tahay 20 daqiiqo iyo ugu badnaa hal saac.