Qudhaanjadu Waxa Ay Leedahay Luuqad U Gaar Ah Oo Ay Isku Fahamto, Boqoraddeedana Kaga Amar Qaadato

0
587

London (Geeska)- Baadhitaan xeel-dheer ayaa lagu ogaaday in Qudhaanjadu awooddo gurxan iyo cod hoose oo iyadu uun isku maqasho. Cilmibaadhistan oo loo adeegsaday qalab tiknaalajiyadeed aad loo casriyeeyey oo soo qabanaya jabaqda iyo sanqadha dhegta bani’aadamku aanay maqli karayn ayaa sidoo kale daahfuray in amarrada boqoradda qudhaanjadu isla qaabkaas aynu soo xusnay ku soo gaadhaan qudhaanjada kale.

Wargeyska Times Of London ee ka soo baxda carriga ingiriiska ayaa qoray dhowaan in khubaro ku takhasusay codadka iyo jabaqdu iyaga oo adeegsanaya makarafoonno (Codbaahiyeyaal) aad u yaryar iyo qalab tiknoolaji oo awood weyn u leh in uu kor qaado codka, in ay ogaadeen in boqoradda qudhaanjadu samayso cod gaar ah oo hadba waafaqsan waxa ay doonayso inay qabtaan qudhaanjooyinka kale kuna fahmaan. Qalabkan oo lagu dhex rakibay godad iyo goobo qudhaanjadu isugu timaaddo ama wax ku kaydsataa waxa uu caddeeyey in codkaa ka soo baxa boqoraddu feejignaan iyo digtooni ku abuuro qudhaanjada kale, isla markana la dareemo kuwa kale oo isla markiiba ka amar qaadanaya, sidii ay ahaydna u fulinaya.

Grimy Tomas oo ka tirsan jaamacadda Oxford qaybteeda caafimaadka ayaa isaga oo ka hadlayey daraasaddan oo uu khubarada sameeyey ka mid ahaa waxa uu yidhi, "Markii aanu dhegeysannay codadka ay samaynayso qudhaanjada boqoradda ahi waxa noo caddaaday in inta uu dhawaqeedu socdo dhammaan qudhaanjooyinka kale joojiyaan dhaq-dhaqaaqa. Isla marka ay qudhaanjo kastaa maqasho dhawaqa boqoradda waxa ay kor u qaadda labadeeda gees mid ahaan oo ah ka ay wax ku dareento, waxa dhacda in boqoraddu hadalkeeda waddo muddo saacado ah iyada oo qudhaanjada dhegeysanaysaana aanay mar keliya wax dhaqaaq ah samaynayn" Khabiirkan oo sheegaya in dheg- raaricintan qudhaanjada iyo khushuucdan ay ku dhegeysanayso boqoraddu aanu ka jeedin dareenka feejignaanta ah ee ay cadawga iskaga ilaaliso ayaa waxa uu yidhi. "Haddii ay qudhaanjadu dareento wax dhaqdhaqaaq ah oo ku soo fool leh si deg deg ah ayaa ay u booddaa uguna diyaar garawdaa is difaac"  Tomas waxa uu sheegay in daraasaddani caddaysay in qudhaanjadu ay leedahay ereyo ay ku wada hadasho oo ay isku fahamto. Daraasaddan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Majalada Science waxa ay sheegtay in dhawaq kasta oo ay boqoraddu samaysaa macno gaar ah iyo faham u samaynayo inta kale, taasina ay ka dhigan tahay in uu yahay luuqad u gaar ah oo ay isku fahmaan.