Muuse Biixi Oo Xalay Si Rasmi Ah Uga Tanaasulay Tartankii Murashaxnimada Ka Dib Kulan Uu La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

0
609

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay xalay yeeshay kulan fool ka fool ah, ka dib toddobaadyo uu khilaaf siyaasadeed oo adagi ka dhexeeyay. Kulanka oo ay ka soo shaqeeyeen koox ganacsato ahi, ayaa waxa uu ka dhacay qasriga madaxtooyada, waxaana la sheegay inuu guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, uu Madaxweyne Siilaanyo u cadeeyay inuu uga tanaasulay murashaxnimadii  uu hore u iclaamiyay ee khilaafka siyaasadeed ee cakiran dhalisay. Waxaanu Muuse Biixi kulanka ka cadeeyay inuu taageeradiisa la garab istaagi doono sidii uu Madaxweyne Siilaanyo doorashada dambe ugu guulaysan lahaa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu guddoomiye Muuse Biixi uga mahadceliyay go’aanka uu qaatay ee uu kaga tanaasulay inuu kula tartamo golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Afar xubnood oo ganacsato ah oo kulankaas ka soo shaqeeyay ayaa goor dambe oo xalay ah soo saaray warsaxaafadeed ay ku cadeeyeen go’aamadii shirkaas oo ay ugu muhiimsantahay in Muuse Biixi ka tanaasulay murashaxnimadiisii. Warsaxaafadeedka, ayaa sidan u qornaa “khilaafkii xisbiga kulmiye ee baryahan soo jiitamayey ayaa waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee Sacad Muuse waxaanay ku soo afjareen qodobadan soo socda

1)in uu gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi uga tanaasulay jagada musharaxa madaxtinimada xisbiga kulmiye shanta sano ee soo socota madaxweynaha maanta xilka haya Axmed Maxamed Siilaanyo  taasi oo si niyadsami ah la iskugu keenay kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha ka dib kulan caawa [xalay] ku dhexmaray aqalka madaxtooyada Somaliland.

warsaxaafaeed waxa soo saaray ganacsatada waaweyn ee Sacad Muuse ee kala ah:

1-Maxamed Awsiciid Geedi

2-Jaamac Oomaar

3- Rashiid Ibraahim Ciise

4-Maxamed  Xuseen Axmed