Qosolku Waxa Uu U Fiican Yahay Caafimaadka Waxa Aanu Ka Mid Yahay Sababaha Cimri Dhererka Keena

0
604

1Washington (Geeska)- Sanjay Gupta oo ah dhakhtar saxafi ah oo madax u ah wariyeyaasha qaybta caafimaadka ee talefishanka CNN aya sheegay in qosolka badani ay suurtogal tahay in uu si weyn wax uga taro aafimaadka, in uu caawiyo maskaxda firfircoonideeda, awooddeeda fikir iyo hal-abuurkeeda.

Dhakhtar Gupta waxa uu sheegay in xitaa haddii qosolku uu yahay mid aan niyadda ka soo go’in oo been iyo iska keen keen ah, uu haddana saamayn wanaagsan ku yeesho caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, ugu yaraanna wanaajiyo xaaladda muruqyada wejiga oo uu ka ilaaliyo in ay dabcaan iyo in ay coodh-coodh yeeshaan.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in dadka caadada ka dhigta in ay qoslaan inta u dhaxaysa 15 illaa 20 jeer maalin kasta ay si weyn uga caawin doonto in ay cimri dherer ka faa’idaan.