Habka Ugu Fiican Ee Aad Caajiska Iyo Burburka Kaa Takhalusi Karto

0
1071

1Washington (Geeska)- Caajiska iyo burburka jidheed waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta haysta bulshooyinka kala duwan ee dunida, qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay ka warramaysaa, dhowr hab oo uu qofku iskaga ilaalin karo caajiska iyo burburka oo cadow ku ah nolol maalmeedka iyo shaqada qofka waxa aanay kala yihiin:

– Ku dadaal in aad waqti go’an maalin kata cuntadaada cunto, tusaale ahaan saacad go’an in ay qadadu ahaato, quraacdaada iyo cashaduna sidaas oo kale, oo aanad marka aad hadba haleesho uun cunin.

– Cab cabbitaan badan, gaar ahaan biyaha.

– Habeenkii waqti habboon seexo saacado kugu filanna seexo.

– Haroorta hore biyo aan diirranayn ku maydho, haddii kale ugu yaraan biyaha aad ku fooldhaqanayso / weysaysanayso subaxda hore ha noqdaan kuwo qabow.

– Subaxda hore aroortaada ku bilowg hawl caado kuu ah, sida jimicsiga ama shaqada oo aad goor hore bilowdo.

– Waxaa hubaal ah in qofka tukada ee salaadda subax ku dadaala in uu masaajidka ku soo tukadaa aanu inta duhurka maalintaas ka horreeya dareemin wax caajis ama daal iyo burbur ah.