London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan soo baxday oo uu natiijadeeda faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dhar la’aan lagu seexdaa ay faa’idooyin aan la rumaysan karin oo tiro badan u leedahay caafimaadka qofka.
Daraasaddan ayaa tijaabooyin cilmiya oo badan kadib arrimaha ay sida gaarka ah u ogaadeen cilmibaadhayaashu in dhar la’aan lagu seexdaa ay caafimaad u leedahay waxa ay xuseen in ay xoojiso hab-dhiska difaaca iyo in ay nidaamiso heer-kulka gudaha jidhka qofka.
Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in hurdada uu qofku seexdo isaga oo aan dhar xidhnayn ay nidaamiso aadna u wanaajiso heer-kul ka jidhka, isla markaana ay tijaabooyinka in badan oo ka mid ahi caddaynayaan in ay qofka ka ilaaliso hurdo xumada ama hurdo la’aanta, oo marar baan ku timaadda heer-kulka oo uu qofku u adkaysan waayo kulayl ama xitaa mararka qaarkood.
Arrinta xiisaha leh ee ay khubaradu cilmibaadhistoodan ku ogaadeen ayaa ah in hurdada uu qofku seexdo habeenkii jidhkiisa oo qaawan ay caawiso in uu jidhku gubo in badan oo ka mid ah xaydhka ama dufanka ku ururay.