Qormo U Gaar Ah Ardayda Xisaabta: Barashada Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Xisaabta Maskaxda Ku Xalliso (3)

0
712

Hargeysa (Geeska)- Marka aad doonayso in aad dib u hubiso Wadarta (Natiijada Isu-geynta) ka soo baxday xisaab aad isu geysay waxa aad si fudud u raaci kartaa tallaabooyinka hoos ku taxan oo adiga oo aan dib ugu noqon jidkii dheeraa ee isu-geynta aad ku xaqiijin karto sax iyo qalad midka ay tahay. Waana qormadii saddexaad ee u wargyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey habab fudud oo lagu hubin karo natiijo xisaabeedka, iyo weliba tusaalayaal ku ladhan, waxaana maanta aynu eegaynaa hubinta xisaabta isu-geynta ah.

2.Isu-geynta:

– Si la mid ah jidkii aynu u marnay isku dhufashada waxa aynu haddana si gaar ah isugu geynaynaa tirada ay ka kooban tahay qayb kasta oo ka mid ah xisaabta aynu isu-geynayn innaga oo tuurayna tirada 9 ama laba tiro oo wadartoodu sagaal noqonayso, fal xisaabeed kastana isu geyntiisa godka bidix u xiga ayaa laga soo bilaabayaa:

Tusaale:

3264 = Marka aynu tuurno labada lambar ee 3 iyo 6 oo sagaal ah, waxaa soo hadhaya: 2+6 oo noqonaya 6

8415 = waxay noqonaysaa laba 9: 8+1 iyo 4+5 oo labadba ah = 9 markaa waxa ay noqonayaan = 0

2946 = Marka 9 ka laga saaro waxaa hadhaya: 2+4+6 = 12, isugee wadarta oo noqonaya: 1+2 = 3

3206 = Marka laga saaro 3+6 oo noqonaya 9 waxaa hadhaya;2+0 = 2

= 1783

Marka aynu intaas dhamayno waxa aynu dib isugu geynaynaa tirada qayb kasta ka soo hadhay oo aynu sidii hore oo kale tuurayno Sagaalka ama laba tiro oo kasta oo 9 samaynaya: waxa aanay noqonaysaa: 6+0+3+2 = waxa aynu tuuraynaa 6 iyo 3 oo sagaal noqonaya, waxaana soo hadhaya 0+2 oo ah 2

– Qaybta dambe oo wadarta ah: Marka aynu intaas hore dhammaynay waxa aynu u imanaynaa qaybta dambe oo ah 1783 sidii caadiga ahayd ayaa aynu isug geynaynaa godadkeeda: 1+7+8+3+1 marka koowaadba waxa aynu tuuraynaa 1 ka hore iyo 8 oo sagaal ah, waxaana hadhaya 7+3+1 = 11. Mar haddii ay natiijadu laba god noqotay dib ayaa aynu labada god isugu geynaynaa illaa ay god ku soo ururto waxa aanay noqonaysaa: 1+2 = 2

Gunaanad: Mar haddii qaybtii hore ee ku soo ururtay 2 ay la mid tahay qaybta dambe (Wadarta) oo iyaduna 2 ku soo ururtay, oo ay isku mid noqdeen, waxaa inoo soo baxaysa in ay xisaabtani sax tahay, laakiin haddii natiijada u dambaysa ee labada qaybood (Xisaab-fallada iyo wadartu) kala duwanaan lahaayeen waxaa caddaan lahayd in xisaabteenna aynu si qaldan uga shaqaynay.