Dal Faaliyeyaal U Adeegsanaya La Dagaallanka Cudurka Ebola Virus Ee Galbeedka Afrika Aafeeyey

0
531

Picture6Monrovia (Geeska)- Xukuumada dalka Liberia ayaa bilowday in ay dhakhtar sixiroole ah u adeegsato ka takhalusidda cudurka khatarta ku haya dalkaas iyo guud ahaanba dunida ee Ebola Virus, kadib markii uu sixiroolahani masuuliyiinta dalkaas u sheegay in uu dabiibi karo dadka cudurkani ku dhaco. Isaga oo ku andacooday in uu talefan u dirayo waxa uu ugu yeedhay dunida arwaaxda (Rooxaan), waxa aanu dawadiisa u adeegsanaya dhir iyo caleenta geedka buuriga (Tubaakada) iyo duco, kuwaas oo uu sheegay in uu cudurkan kaga badbaadin karo Malaayiinta dad ah ee khatartiisa ula jiifa dalalka Liberia, Guinea iyo Sierra Leone. Dhakhtarkan sixiroolaha ah oo lagu magacaabo Joko Moses Kuyon ayaa wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay u sheegay in cudurka Ebola uu la mid yahay Daacuunka yahayna ciqaab uu Alle u soo diray dadka Afrikaanka ah ee aan diintoodii dhaqanka ahayd ku dhaqmin iyo dambiilayaasha gefafkoodu ay ka cadhaysiiyey Ilaahay iyo awoowyadoodii (Awliyada ahaa) hore.

Sixiroolahan oo ay dowladdu masuul uga dhigtay arrimaha dhaqanka ee degmada Bong ee dalkaas ayaa isaga oo lulaya dub lo’aad oo uu fara-laab ka dhigtay waxa uu yidhi, “Cudurkani waa nacdal, sida keliya ee lagaga adkaan karaana waa hab dhaqan ah. Waxa aan caddaynayaa in waxa dhacayaa uu yahay ciqaab ka dhalatay dembiyadeenna…” isaga oo intaas ku sii daray, “Cudurkani waxa uu xidhiidh la leeyahay rooxaanta, sidaa awgeed awoowyadeenii hore ayaa aanu ka baryeynaa in ay Ilaahay cafis inoo weydiiyaan” Joko Moses oo dowladda Liberia si aad ah u ixtiraamto, si joogto ahna wacdiyo ugu jeediya Tobannaan kun oo dadka dalkaas ah ayaa lagu tilmaamay dhakhtarka sixiroolaha ah ee deegaankaas ugu muhiimsan. Waxaana fikirkiisa ah in cudurkani ciqaab yahay ku waafaqay baadari isaguna dhulkaas caan ka ah oo lagu magacaabo dris Wright Samura.