Guur-Laawayaal Isugu Soo Baxay Mudaharaad Ay Kaga Cabanayaan Guur La’aant Iyo Internet Ka

0
656

Brasilia (Geeska)- In ka badan 200 oo ah dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar u dhashay dalka Brazil oo aan weli guursan ayaa  fagaarayaasha magaalada Rio de Janeiro ee dalkaas isugu soo baxay mudaharaad ballaadan oo ay kaga cabanayaan guur la'aanta. Dadkan mudaharaadayey waxa ay sheegeen in ay mareen farsamooyin badan oo ay filayeen in ay matan nolosha la wadaaga ku heli karaan, waxaana ay si gaar ah uga cawdeen Internet ka oo ay sheegeen in ay khaatiyaan ka joogaan kuna daaleen ka raadinta lammaane nolosha la wadaaga. Shaaracyada magaalada ugu waaweyn ayaanay mareen iyaga oo tumaya muusig ay k soo jiidanayeen dareenka dadweynaha kale. Dhalinyaradan guuunnimada ka cabanaya ee mudaharaadkan isugu soo baxday oo leh urur lagu magacaabo Sim – Namurados oo macnaheedu yahay (Bilaa jacayl) waxa ay ku cawdeen in internet-ka oo jacayl laga raadiyo sawirana la isaga diraa tahay waqti lumin keliya.

Dadka mudaharaadkan isugu soo baxay waxa ay siteen boodhadh ay ku qoreen hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin, "Waxa aan ka daalay noloshii kelida ahayd" "Hadda ayaan rabaa jacayl" waxa aanay  qaadayeen heeso ay ka mid tahay hees dalkaas ka caan ah oo halku dheeggeedu yahay “Xoog ii dhunko”. Rita De Meda oo ah macallimad jaamacadeed oo da'deedu tahay 41 jir, isla markaana aan weli la gurusan ayaa iyada oo la hadlaysay talefishan laga leeyahay dalka Brazil waxa ay u jawaabtay dad ku dooday in mudaharaadkani uu keliya indhaha dadka ku soo jeedinayo oo la arkayo in aanay guurusan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, "Kama baqanayo in la i xanto, waxa aan halkan u joogaa in aan ka badheedho raadinta mataankii nolosha ila qaybsan lahaa" tiro koob uu sameeyey talefishanka Globo ee dalka Brazil oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in dalka Brazil oo dadka ku nool tiradoodu ka badan tahay 200 Milyan ay ka mid yihiin 52 Milyan oo ah rag iyo dumar guur la' oo gaadhay ama dhaafay da’dii guurka k habboonayd.