Qofka Khajilaadda Badan Oo Aan Bulshadu Soo Dhoweyni Waxa Ay Keeni Kartaa In Uu Dhagar Geysto

0
570

Picture3

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dhalinyarada khijilaadda badani ay u dhow yihiin in ay dhibaatooyin ku kacaan haddii ay dareemaan bulshada ay la nool yihiin sida dadka ay goobta ka wada shaqeeyaan iyo gaar ahaan ardayda ay wax wada dhigtaan iyo qoysku in aanay jeclayn. Arrintan oo sida ay daraasaddani sheegtay ay ku kalifayso iyaga oo raba in ay is-muujiyaan.

Laba khabiir oo ku takhasusay arrimahan ayaa jaamacadda Indiana ku sameeyay daraasad ay ku baadhayeen sababta kalifta in dhalinyaro da’yari ay ku fakaraan in ay saaxiibadood ama cid kale dilaan iyada oo aanay jirin sabab cad oo ku kalifta dilkaas, waxa aanay sheegeen in ay darasadoodan ku ogaadeen, sababta ay dhalinyarada qaar fal dambiyeedyada ugula kacaan saaxiibadooda kale ama dadka ay wax ka dhexeeyaan ay tahay, iyaga oo ay haysato mushkilad ah in ay fahmi kariy waayaan bulshada una arkaan in aan si u qalanta martabadooda aan looga qayb gelin arrimaha khuseeya, waxa kale oo sabab muhiima ah qoyska dhexdiisa oo ay ka dareemaan in aanay ku haysan soo dhowayn badan, taas oo ku kallifta in ay ka fikiraan sidii ay bulshada ugu milmi lahaayeen taas oo gaadhsiisa mararka qaar in ay ku fikiraan in ay cid khaarajiyaan.

Waxa ay khubaradni ku taliyeen in bilowga horeba si ka gedisan carruurta kale loola dhaqmo ilmaha khajilaadda badan loona tuso mar walba in uu dadka ka mid yahay iyada oo talada wax laga siinayo laguna dhiirinayo in ay bulshada dhex galaan.