Tahriibe Soomaali Ah Oo Ka Sheekeeyey Saxariirkii Tahriibka

0
780

1Ismaaciil iyo jidkii Rafaadka Ee Hargeysa illaa Lemapdusa… (Q:2aad)

Ismaaciil Bil ayaa dhexda lagu haystay ka hor intii aan loo qaadin magaalada Tripoli oo iyadana markii la geeyey aan xorriyaddooda si caadiya loo siin ee lagu wareejiyey Tahriibiye kale, oo isna markii uu mudd madaxfurasho u haystay ay qasab noqotay in loo diro Afar boqol oo doolar qofkasta oo ka mid ah Tahriibayaasha.

Aakhirii waxaa la wareegay koox mukhalisiintii doonyaha ah. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in aanu qofku xor u ahayn markabka uu raacayo iyo goorta uu baxayo, balse kooxaha madax furashada u haysta ayaa ku wareejinaya Mukhalasiinta doonyaha, oo iyaguna inta ay ku ururiyaan meel qarsoon, kadibna amar ku siinaya in mid kastaa uu keeno $1800 si loo saaro doontii geynaysay Talyaaniga. Ismaaciil oo ka waramaya waxa uu yeelay markii la weydiiyey lacagtan cusub ee doonta ayaa yidhi, “Hooyaday ayaa aan u sheegay, in haddii aanay lacagtaas soo bixin ay Tahriibiyeyaashu I dili doonaan. Marka xaalkaas loo sheego waa qasab in ay lacagtaas soo bixiyaan, xitaa haddii aanay haynin” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Hooyaday lacagtii dad kala duwan, ayaa ay ka soo ururisay, waanay soo dirtay. Inta aad Liibiya joogto wax kasta waa lagaa qaadayaa, kabaha, dharka, lacagta iyo wax kasta oo aad haystaba waa lagaa dhacayaa” Ismaaciil oo weli xasuusan hab-dhaqanka bani’aadamnimada ka baxsan ee Liibiya uu kala kulmay ayaa yidhi, “Waxa ay yidhaahdeen waa dad Muslimiin ah, laakiin anigu sidaas ma aaminsani. Liibiya runtii waa meel khatar badan, cidina in ay halkaas tagto ma’aha”

Ismaaciil iyo dhalinyaradii la socotay waxaa muddo lagu qarinayey meel uu u malaynayo in ay ahaan jirtay xero ay degaan ciidamada cirku, halkaas oo ay ku jireen illaa markii dambe goor habeennimo ah oo dhulku gudcur dam ah yahay qori caaradii lagu saaray doon kala tallaabaysa badweynta Mediterranean ka.

Qof kasta oo doonta raacaya isaga ayaa sii iibsanaya cuntada iyo biyaha uu ku sii isticmaalayo safarkaas, oo markii uu 12 saac si habsami ah noogu socday uu si kedis ah u istaagay mishiinkii doonta yar ee aanu saarnayn waday.

Ismaaciil oo sawiraya sida xaalku uu ahaa markii Tahriibayaashii ogaadeen in mishiinkii doontu xumaaday ayaa yidhi, “Dadkii oo dhan ayaa oohin bilaabay. Waxa ay moodayeen in halkaas ay noogu dhammaatay oo la wada dhimanayo, laakiin Ilaahay ayaa noo gargaaray. Nasiib wanaag doon ay wateen kalluumaysato u dhashay dalka Tuuniisiya ayaa na soo gaadhay . muddo saddex saac ah ayaanay nay doontayadii jiidayeen illaa aanu soo gaadhnay doon ay lahaayeen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Talyaanigu.

Bilowgii hore xeebaha waxaa ilaalin jiray ciidamada Talyaaniga oo dad badan soo badbaadiyey, intii ka dambaysay bishii Tobnaad 2013kii oo ay badda  ku dhinteen 366 tahriibe kadib markii doontii ay saarnaayeen kala daadatay, ciidamada Talyaanigu waxa ay kordhiyeen dadaalka ay dadka ku badbaadinayaan. Laakiin markii dambe  ciidamada Talyaaniga waxaa lagu beddelay kuwo Midowga Yurub ka socda, si hawshaas ballaadhan culayskeeda ay dalalka Yurub ula wadaagaan Talyaaniga, laakiin dhibta ka dhalatay isbeddelkaasi waa in hawlgalkan cusubi uu dadaal kii Talyaaniga ka yar ku bixiyo soo badbaadinta tahriibayaasha, mana dhaafaan 30 Mayl ee ay tahay xeebta dalka Talyaanigu. Waxaana dhacda inta badan in doonyuhu ay burburaan inta aanay soo gaadhin masaafadda 30 Mayl ah ee ay ciidamada Talyaanigu joogaan.

Ismaaciil 15kii Feebarweri ayaa uu soo gaadhay Lampedusa isaga oo ka mid ah 250 Tahriibe, isla markii uu yimina waxa uu ogaaday in mid ka mid ah saaxiibbadii oo ay isku jid ahaayeen balse kala doon saarnaayeen uu dhexda ku soo dhintay.

Isla markiiba waxa uu garaacay saaxiibbadii oo uu u sheegay in aanay Soomaaliya ka soo tahriibin, isaga oo intaas ugu daray, “In aad noolaataa waa fursad boqolkiiba 50 keliya ah” Ismaaciil haayadda badbaadinta carruurta ee Save The Children ayaa u qaaday degmada Sicily, si loogu xareeyo xarun yar oo loogu talagalay in loogu tababaro la qabsashada noloshada Talyaaniga.

Kubbad ayaa uu iska ciyaaraa , waxbarasho fiicanna waa loo bilaabay, laakiin waxa uu leeyahay waa in aan shaqo helaa si uu u awoodo in uu dib u bixiyo lacagtii hooyadii u soo ururisay intii uu tahriibka ku soo jiray. Si kastaba ha ahaato ee waxa uu aad ugu faraxsan yahay in dhibtii iyo rafaadkii adkaa ee soo maray uu maanta ka nool yahay.

Cali Tahriibe kale oo Soomaaliya, d’diisu waa 16 sano jir, isaga waxa uu ka soo baxay dalka Kenya, waxa aanu soo maray Uganda, Koonfurta Sudan, Sudan kadibna Liibiya oo uu uga soo gudbay Talyaaniga. “Call Me Cali (Caliyoow ila soo hadal) ayaa uu ahaa magaca saaxiibkay oo ku qaraqmay badda mar uu doon u soo raacay  Talyaaniga… laakiin waxa aan go’aansaday in aan aniguna Kenya iskaga soo tahriibo, waayo waxa ay ii taagnayd in aan sidaa yeelo  ama waxa ay ii ahayd mustaqbal la’aan… Liibiyaankii Talyaaniga i keenay bani’aadam ma’ay ahayn, rasaasta ayaa ay ku hadlayeen ee afka kama ay hadlaynba. Doontii koowaad ayaa naga soo baxday, laakiin markiiba dib ayaa ay Liibiya ugu soo noqotay, waayo cimilada ayaa aad u xumayd. Doontii labaad waxa ay saareen Siddeed Tahriibe oo u dhashay dalka Nigeria, sidoo kale waxa ay doontaas qasab ku saareen saaxiibkay. Waa ay degtay doontii dhammaantoodna waa ay ku dhinteen. Saaxiibkay waxa uu ahaa 16 sano jir oo isku da’ ayaanu ahayn. Waxaa doontaas saarnaa 400 oo tahriibe. Doonta hore ee dib u soo noqotay waxa ay ka samaysnayd Rabadh, laakiin doontan dambe waa ay ahayd loox.

Doonta aan saarnaa anigu waxa aan ku jiray godka yare e doonta sallaanka khanka hoose ka soo baxa eek or lagu soo fuulo ku hoos yaalla. daaqado ma jiraan. Biyo aanu cabno lanama siinayo oo waxa ay diidayeen in ay kaadi na qabato oo aanu suuli u baahanno. Haddii aad bukooto ama aad kor u soo bado si aad waxoogaa hawo ah u hesho, Tahriibiyeyaasha hubaysan ayaa markaba ku tooganaya. Waxa aan aad uga baqanayey in ay doontu nala qarqoonto, waayo ma’ aan aqoonin dabbaasha. La soco…