Dhacdooyink Iyo Arrimo Dunida Qarniyo Ka Jiray Qarniyo Oo Fahamkoodu Hal-Xidhaale Ku Noqday Baadhayaasha

0
522

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Saddexaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:

Warka Jack Ripper waxa uu aad u soo caan baxay bilihii Sagaalaad iyo Tobnaad ee 1888kii, waxaana booliiska meelo qarsoodi ah looga soo diray waraaqo badan oo dad kala duwan mid kastaa gaarkiisa ugu andacoonayo in uu isaga yahay ruuxa dadka dilaa.

Waxaa jiray mid ka mid ah waraaqahaas oo caan ku noqotay magaca ah, From Hell oo macnaheedu noqonayo ka timid cadaabtii. Warqaddan waxaa loo soo diray George Lusk oo ka mid ahaa saraakiisha ammaanka ee degaanka Whitechappel. Warqaddan oo ku jirtay bushqad weyn ayaa waxaa lagu soo dhex riday jeex ka mid ah kelli bani’aadam. Waxaa loo fahmay in kellidaasi ay ka mid tahay dadka tirada badan ee uu dilay Jack Rippers. Warqaddaasi waxa ay u sabab u noqotay in qisas qoraal ah iyo filimo badan laga sameeyey.

Qisada ninkan oo warbaahinta dunidu aad uga warrantay ayaa caan ka noqotay adduunka oo dhan, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in qisadan aan illaa maanta la helin xaqiiqadeeda, lana ogaan qofka uu ahaa gacan-ku-dhiiglaha dadka dili jiray, waxa ay noqotay dhacdo ay khubarada baadhistu fahmi kari waayeen illaa ay gaadhay heer ay noqoto mawduuc muhiim ah oo lagu soo daro duruusta lagu dhigto jaamacadaha dembi baadhista lagu qaato. Mawduucan oo lagu magacaabo Ripperology waxaa lagu qaataa in ka badan boqol aragtiyood oo cilmiya. La soco