Qofka Doonaya In Uu Sawirradiisa Ku Faafiyo Baraha Bulshadu; Marka Hore Ha Akhriyo Maqaalkan

0
890

Hargeysa (Geeska)- Shaki kuma jiro in baraha bulshadu ay leeyihiin faa’iidooyin badan oo ay ugu horreyso in ay soo dhoweeyeen masaafaddii u dhexeysay aadamaha iyo in ay noqdeen biriish isku xidha ehellada, asxaabta, dadka jaalka ah iyo inta jecel ama shaqadu ku qasbayso in ay xidhiidh joogto ah yeeshaan. Waxa aanay caan ku yihiin in dadkani ay marar badan baraha bulshada ku faafiyaan sawirradooda oo ay xiisaynayaan in dadka xidhiidhku ka dhexeeyaa ay la wadaagaan.

Haddaba cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in qofka oo ku talaxtaga in sawirradiisa, gaar ahaan sawirrada nooca uu qofku isagu iska qaado ee ‘Selfie’ loo yaqaanno uu ku faafiyo baraha bulshada ee Facebook, Twitter, Instagram, Snap Chat ka mid yihiinay calaamad u noqon karto in uu qabo xanuunka nafsiga ah ee lagu magacaabo “Narcissism” oo aynu ku sheegi karno qofka oo isa cajabiya ama naftiisa u arka in ay tahay tan keliya ee muhiimka ah.

Warbixin lagu faafiyey shabakadda medical News today oo ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa sheegaysa in natiijada ka soo baxday baadhitaanno arrintan la xidhiidha oo la sameeyey ay tahay in dadka sawirradooda si aad u tiro badan ugu faafiya baraha bulshadu ay boqolkiiba 25 leeyihiin calaamadaha ay caanka ku yihiin dadka xaaladda “Narcissism” ka ku jira.

Cilmibaadhis ay iska kaashadeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadaha Swansea ee dalka Ingiriiska iyo Milan oo dalka Talyaaniga ah ayaa tijaabooyinkii la sameeyey ay muujiyeen in dadka qoraallada badan ku faafiya baraha bulshadu ay iyagu ka duwan yihiin xaaladdan oo iyaga aan si la mid ah dadka sawirrada ku faafiya, lagu arag calaamada xanuunka is cajabinta ama in uu qofku isagu is mahadiyo.

Waxa ay daraasaddu sheegtay in xaaladaha ay wadaagaan dadka facebook sawirradooda aad ugu faafiya iyo dadka qaba “Narcissism” ay ka mid tahay in labaduba ay jecel yihiin in dadka oo dhami ka helaan oo ay u bogaan xaaladdooda. Waa dareen qofka ku abuuraya in uu dadka kale u adeegsado in ay isla weynidiisa ku raalli noqdaan iyo in uu naftiisa muhiimaddeeda indhahooda ku soo jeediyo.

Mar kasta oo uu dareemo ama arko in sawirkiisu uu helay u bogis badan “Like” ama dareen jeclaan muujinaya ama uu arkay dad badan oo ammaanaya waxaa gelaya shucuur bogsiinaysa walwalka uu xanuunka “Narcissism” ku hayo ee ah in dadka oo dhami isaga u bogaan.

Waxa kale oo ay ammaantani ku abuurtaa xiise ah in uu sawirro badan oo kale soo dhigo baraha bulshada, taas oo mar kasta oo uu sameeyo uu ku raalli gelinayo ismahadinta ku jirta, ugu dambayntana qofka ka dhigaysa qof isaga oo aan is ogeyn ismahadiye “Narcissist” noqda.

Inkasta oo ay khubaradu sheegeen in mawduucani uu u baahan yahay baadhis intan ka sii badan, oo lagu hubiyo illaa xadka ay xidhiidh leeyihiin soo dhigista sawirrada badan ee baraha bulshada iyo xaaladda Narcissism ku. Haddana waxa ay daraasaddoodan ku sheegeen in ay intani ku filantahay in ugu yaraan ay ina tusto xidhiidhka taban ee ka dhexeeya xaalada nafsiga ah ee qofka iyo sawirrada badan ee uu baraha bulshada soo dhigayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here