Nin Madaxweyne Trump Mobile Ku Tuuray Oo Xabsiga Xabsiga Loo Taxaabay

0
786

Washington (Geeska)- Bilayska dalka Maraykanka ayaa xidhay nin isku dayey in uu taleefanka gacanta ku dhufto madaxweynaha Maraykanka oo u socday in uu soo istaago masrax lagu soo dhoweeyey si uu khudbad uga hor jeediyey Iskaashato waddani ah oo haysashada hubka difaacda.

Sida uu ku warramayo talefishanka FOX News falkan oo jimcihii 3-da bisha shanaad ka dhacay gobalka Indiana, ayaa uu bilaysku aqoonsaday in William Rose oo sakhraansan uu ahaa qofka taleefankiisa ku shiiday madaxweyne Trump.

Warmurtiyeed ka soo baxay Laanta sirta ah ee sugidda ammaanka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in taleefanka laga soo tuuray dadka khudbadda u dhegeystaan u yimi dhexdooda, isla markiina ay ciidamada ammaanku ku guulaysteen in ay bannaanka uga saaraan goobta. Kaddibna ay laanta ammaanka madaxweynuhu ninkan ku samaysay baadhitaan la xidhiidha in la ogaado in falkani uu ahaa mid uu si dhab ah ugu doonayey dhibaataynta madaxweynaha iyo in kale.

War uu soo saaray xafiiska duqa degmada Marion ee uu falkani ka dhacay ayaa lagu sheegay in uu laanta sirdoonka Maraykanka uu ka caawiyey baadhista arrintan, iyada oo isla markiiba ninka falka geystay loo qaaday cisbitaal dhimirka ah si loo hubiyo xaaladdiisa.

Fiidyow lagu faafiyey baraha bulshada ayaa lagu arkayey taleefan laga soo dhex tuuray dadka goobta joogay oo badnaa, loona tuuray dhinaca madaxweyne Trump oo markaas masraxa u soo fuulay in uu khudbad jeediyo, laakiin kuma uu dhicin madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here