Waayo-Aragnimada Ay Maalqabeennada Adduunku Heleen Intii Ay Ku Jireen Maamulka Ganacsigooda

0
188

Washington (Geeska)- Waxaa jira waxyaabo ay wadaagaan dadka adduunka ugu maalqabeensan oo aan ahayn in ay lacag badani u taallo bangiyada, inkasta oo ay kala duwanaanshiyuhu tahay arrin laba qof oo kasta u dhexeysa, haddana waxa ay cilmibaadhisuhu muujinayaan in ay jiraan meelo badan oo ay dadka maalqabeenka ahi isaga eegyihiin, gaar ahaan marka la eego geeddigii dheeraa ee ay tan iyo bilowgii himiladooda u soo galeen halka ay hadda joogaan. Waxaa arrintaas ka marag kacay tijaabo lagu sameeyey qaar ka mid ah maalqabeennada adduunka ugu caansan oo ay ka mid yihiin aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates iyo ninka leh shirkadda X Space iyo maalqabeenno kale.

Maalqabeennadan ayaa la weydiiyey 16 su’aalood oo mid kastaa ay leedahay afar jawaabood oo ku hoos qoran, mid ahaanan la dooranayo.

Markii dib loo eegay jawaabaha ay bixiyeen maalqabeennadani inkasta oo ay meelaha qaar ku kala duwanaayeen haddana waxaa soo abxday in ay jiraan waxyaabo badan oo ay iskaga mid yihiin, sida lagu faafiyey shabakadda Busines Insider.

Waxaa ka mid ah in dareenka ganacsade nimo ay mar kasta horumariyaan oo warwarka iyo dareennada kale ee ka hor imanaya ganacsiga oo dhami aanay la weynayn. Taas oo macnaheedu yahay in si ay riyadooda uga midho dhaliyaan ay sameeyaan wax kasta oo ay filayaan in ay ku gaadhi karaan xitaa haddii uu yahay arrin ka cadhaysiinaya dadka qaarkood.

Waxa kale oo ay maalqabeennadani iskaga mid noqdeen danaynta ay danaynayaan in dadka hibada leh ay uga faa’iidaystaan gaadhista himiladooda.

Dhinaca kalana waxa ay masuuliyiintani iskaga mid noqdeen in ay badankoodu qirayaan haddii maanta ay ahaan lahayd maalintii ay ganacsigooda bilaabeen in ay wax badan ka beddeli lahaayeen sidii ay waqtigaas ahaayeen, gaar ahaan dhianca hoggaaminta oo ay ugu horreyso urursashada dadka hibada leh in ay xoogga saari lahaayeen maanta, iyo in ay wax ka beddeli lahaayeen hab maamulkoodii shirkadahooda. Tusaael ahaan Bill Gates waxa uu sheegay in waqtigaas uu ahaa nin si aad ah u sakatisan, hab macaamilkiisa bulshana aanu ahayn mid u qalma mansabka iyo shaqada uu hayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.