Qof Kastaa Wax Ma Hoggaamin Karo, Maamule Kastaana Hoggaamiye Ma Noqon Karo (Qaybta: 1aad)

0
507

Waa run in qof kastaa uu jecel yahay in uu hoggaamiye noqdo, hoggaamiye urur, hoggaamiye kooxeed, hoggaamiye ciidan, hoggaamiye qaran iwm. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, ruux kastaa hoggaamiye ma noqon karaa, hoggaamiyenimadu ma’ u dhalashaa mise waa xirfad la barto?

Shabakadda fortune.com qaybteeda ka faalloota business insider oo dadka caanka ku ah arrimaha gacansiyga iyo waxa la xidhiidha waayo-aragnimadooda ay isku waydaarsadaan, isla markaana dadka ugu caansan dhinaca maamulka iyo maaraynta ganacsigu ay kaga jawaabaan su’aalo la xidhiidha shaqada iyo hoggaaminta, ayaa dhowaan waxaa la soo weydiiyey su’aal ah. “Waa maxay talada ugu habboon ee aad siin lahayd qof jago hoggaamineed u socda, laakiin markii ugu horreysay ay tahay?

Qormadan uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay oo uu qoray Maxine Mann oo madax ka ah shirkadda Teknion ee dalka Maraykank. Waxa aanu ku jawaabay sidan, “Dad badan ayaa u hanqal taaga in ay door hoggaamineed ka qaataan ururkooda, iyaga waxa ay u tahay shaqadoodii oo ay horumar ka sameeyeen, waxa aanay u fahmeen sida oo hawsha oo dhamiba ay tahay uun guul weyn oo ay gaadheen. en. Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in hoggaamintu aanay ahayn jid sidaa u fudud oo cid waliba saxal la’aan lafyood ku mari karto. Waxaa run ah in qof kastaa aanu hoggaamiye noqon karin, sidaa awgeed talada aan siinayo dadka hoggaamiyenimada u socdaa waxa ay ka bilaabmaysaa in horta marka hore aan dhowr tallaabo dib cajaladda u yara celiyo.

1. Maxaad ku falaysaa hoggaamiyenimada? Waxa ugu horreeya ee lagaa rabaa waa in uu horta qofku jawaab u raadiyo, sababta uu u doonayo in uu hoggaamiye noqdo?

Inta badan waxa aan maqlaa shaqaale xilalka ay hayaan ku fiican, waxtar badanna u leh haayadda, shirkadda ama goobta ay ka shaqaynayaan, laakiin haddana ku celcelinaya hadallo tusaale ahaan ah, “Afartan jir ayaa aan gaadhay, waa xilligii ay ku habboonayd in aan xil hoggaamineed qabto” Qarkoodna waxa in ay dallacaan waxa ay u haystaan uun in ay tahay tallaabada labaad ee ay tahay in ay qaadaan. Maadaama oo uu muddo shaqadan ku soo jiray waa in aan dallacaa. Oo keliya ayaa uu ku fikirayaa”

Dad tiro badan oo aan weydiiyey sababta ay u xiisaynayaan in ay hoggaamiye noqdaan, boqolkiiba 50 ayaa awoodi kari waayey in ay jawaabi i shaafida iga siiyaan sababta ay u xiisaynayaan xilkan. Sidaa awgeed taladayda koowaad waa horta bal adigu dib isugu noqo oo u baadh in aad ogaato waxa ku dhiirrigelinaya. Marka aad arrintaas ka gun gaadho, ayuun baa ay kula gudboon tahay in aad tallaabada labaad u gudubto

2. Si fiican isugu diyaari xilka aad ku socoto: Waxaa jira shan arrimood oo ay qasab tahay in qof kasta oo u socda hoggaamiyenimo uu tixgelin gaar ah siiyo:

B. Ogolow oo nafta u sii sheeg in ay suurtogal tahay adiga oo hoggaamintaas qabtay in haddana ay suurtogal tahay in aanad caan noqon, ama in aanad magac weyn yeelan. Haddii aanad taas ogolayn oo waxa aad u socotaa uu magac iyo soo shaac bixis yahay, dib u yara fadhiiso, oo inta aanad xilka qaban diyaar garowd dambe soo gal. La soco…