Wasiirka Cusub Ee Qorshaynta Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyay

0
539

Picture1

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Shoombe) ayaa shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, gaar ahaana madaarka caasimada oo uu ka soo degay.

Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sii diiran u soo dhaweeyey wasiirka qorshaynta, waxaanu wasiirku hadal kooban ka jeediyey qolka nasashada ee madaarka, isaga oo u mahad naqay shacabka soo dhaweeyey iyo madaxweynaha u magacaabay xilka wasaarada qorshaynta.

“waan idiinku hambalyeynaa kalsoonida aad i siiseen waana kaslooni, ana waxaan idinka balan qaadayaa in shaqada la ii magacaabay si xilkasinimo, muwaadinimo iyo daacadnimo idiinku qabto, waayo waxaynu dhisaynaa dal, dhulka aynu ka qaadno intaasna la soo waday. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu igu asturo, idinkuna aad iigu ducaysaan” sidaas ayuu yidhi wasiirka qoryshaynta Cali Shoombe oo ka hadlaayey soo dhaweynta loo sameeyey.

Geesta kale waxaa munaasibad soo dhaweyn ah wasiirka loogu sameeyey Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay qaybo kala duwan oo ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen madaxda shaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland.