Somaliland Oo U Sii Dhawaanaysa Khatarta Xanuunka Covid_19 Iyo Dhimashada Oo Gaadhay Laba Ruux Oo Aan Dalka Ka Bixin

0
611

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in tirade Dadka uu Xanuunka Covid_19 ku soo ritay gudaha dalka ay gaadhay 12 Qof, halka dhimashaduna kor u kacday.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19 ee Shalay ku sheegtay in Qofkii Labaad uu Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday Somaliland, halka 3 Qof oo cusubna laga helay. Qofka labaad ayaa la aaminsanyahay inuu toddobaadkan magaalada Hargeysa ugu geeriyooday xanuunkan, halka qofka kalena uu ku geeriyooday Borama. Labada qof ayaa ahaa laba qof oo aan dalka ka bixin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Shalay Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunkaasi ayaa isagoo Arrimahaa faahfaahinaya yidhi “Waxaynu shaacinaynaa Maanta (Shalay) inay ku soo kordheen Tiradii hore 3 Kiis oo kale, taasi oo Tirada guud ee Dadka laga helay xanuunka Covid_19 ka dhigaysa 12 Kiis.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay oo kale “Tirada Bogsashadu waa Saddexdii hore, Tirada Dhimashadana Hal Qof baa ku soo kordhay oo waxay noqonaysaa 2 Qof (oo dhimasho ah), muddadii uu Xanuunku ka bilaabmay Somaliland.”ayuu yidhi.