Qof Gaajaysan Oo Baahi Haysa Awgeed U Xaday Cunto Uu Cunaa, Dembiile Iyo Tuug Ma’aha

0
637

DDDDDRoma (Geeska)- Maxkamadda Sare ee dalka Talyaaniga ayaa soo saartay xukun ay ku sheegayso in xadista xaddi yar oo cunto la cunayo ah, aan hadda kadib loo tixgelin doonin in ay tahay dembi u baahan in ruuxa tuugga ah la ciqaabo, gaar ahaan marka la caddeeyo in qofka cuntada xaday ay baahi badani hayso oo gaajo u geysay.

Sannadkii 2011ka ayaa booliiska magaalo marseeda Genoa oo ku taalla woqooyiga-galbeed ee dalka Talyaanigu waxa ay qabteen nin u dhashay dalka Ukraine oo lagu magacaabo Roman Ostrellakov oo meherad cuntada iibisa ka xaday caano-fadhi (Jiis / Labeenta roodhida la marsado) iyo qasacad yar oo suugo (Soos) ah, qiimahooduna isku yahay lacag u dhiganta 4.71 Doolar.  

Ninkan markii maxkamadda la geeyey waxa ay ku heshay dembiga xatooyada ah waxa aanay ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo u dhigma 114 doolar. Laakiin xukunkan waxaa si adag u diiday xeer-ilaaliyaha guud oo ku dooday in falka ninkani ku kacay aan la gaadhsiin karin heer xatooyo, balse uu ahaa isku day xaatooyo, maadaama oo la qabtay isagii oo aan ka bixin meheradda, lagana qaaday wixii uu xadayey. Si kastaba ha ahaato ee arrintan oo dad badan dareen bani’aadamnimo ku abuurtay kana xumaadeen in qof cunto gaajo awgeed u xaday lagu rido xukun ciqaabeed sidaa u culus iyo ganaax lacageed oo ka badan qiimaha wixii uu xaday. Waxaa Racfaan ka qaatay xeer-ilaalinta guud oo dacwadda u gudbistay maxkamadda sare, waxa aanay ku dhammaatay go’aanka ay maxkamadda sare ku laalayso gebi ahaanba xukunka ninkan ku dhacay. Warqadda ay xukunkaas ku laashayna waxa ay ku tidhi maxkamadda sare, “Xaaladda eedaysanaha iyo duruufta uu ku helay badeecaddan uu xadayey waxa ay muujinaysaa in waxa uu xaday aad u yaraa oo weliba ahaa cunto ay gaajo u hayso”

Sidoo kale maxkamaddu waxa ay soo saartay sharcigan mamnuucaya in arrin noocaas ah dembi tuugo ah loo aqoonsado.