Muuska Madowgu Dusha Sare Kaga Samaysmaa Ma’aha Qudhun Ee Waa Dawo Ka Hortagta Kansarka

0
625

ddddLondon (Geeska)- Muusku waxa uu ka mid yahay khudradda ay dhakhaatiir badan cunisteeda ku taliyaan, kuna sheegaan in dawo looga raadin karo xanuunno door ah, faaidooyin badan oo caafimaadna u leeyahay dhammaan xubnaha jidhkeenna, maadaama oo samayskiisa ay ku jiraan curiyeyaal cunto oo hodan ah iyo faytamiinno muhiim u ah jidhka, sidoo kalana uu aad ugu badan yahay curiyaha Potassium. Laakiin su’aashu waxa ay tahay maxaa ay khubarada caafimaadku ka yidhaahdeen muuska kiisa madowga ku yeesha diirka sare ee ku daboolan.

Inta badan dadka muuska cunaa waxa ay ka siman yihiin fahamka ah in madowga muuska ku samaysma macnihiisu yahay qudhmid iyo in uu khaayisay, sidaa awgeedna aan la cuni karin, saana ay iska tuuraan, laakiin xaqiiqada cilmiga ah ee ay caddeeyeen cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay muujinaysaa in fahamkaasi qaldan yahay. Cilmibaadhisahani waxa ay xaqiijiyeen in boogaha madowga midabkoodu xiga ee muuska ku samaysmaa ay muujinayaan uun in uu bisaylkiisu gaadhay halkii loo baahnaa, mar kasta oo ay ku sii bataanna waxaa sii kordhaya xaddiga maaddada lagu magacaabo TNF ee ku jirta, taas oo u fiican caafimaadka.

Maadadda TNF oo ka soo gaabsan ereyadda afingiriisiga ee ah Tumor Necrosis Factor oo ah barootiinno kala duwan oo dedejiya dhimashada iyo burburidda unugyada burooyinka keena kansarka. Taas oo marka aynu afka caadiga ah ku sheegno macnaheedu yahay in Muuska madowga yeesha ay ku badan tahay maadadda TNF sidaa awgeed uu burburiyo lana dagaalamo cudurka Kansarka iyo weliba in unugyo aan dabiici ahayn ku dhex samaysmaan jidhkeenna.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa uu intaas ku darayaa in ay tijaabooyin caafimaad oo la sameeyey ay iyaguna muujiyeen in cunista muuska madowga yeeshay iyo in sideedaba uu qofku helo xaddi ku filan oo ah maadadda TNF ay ka hortag u tahay unugyada buro ee kansarka sida, isla markaana xakamayso in ay unugyadaasi koraan oo jidhka ku bataan.