Shalay, Ganacsade 5 Af Ku Hadla, Maantana Xashiish Uu Shaaraca Ka Urursado Ayuu Nolol Ka Raadiyaa

0
828

1Istanbul (Geeska)- Waxaa maalmiihii u dambeeyey warbaahinta Carabta iyo dalka Turkiga aad loogu arkayey qisada nin Suuriyaan ah oo isaga iyo qoyskiisu ay muddo ka hor qaxoontinimo dalka Turkiga ku yimaaddeena iyaga oo ka soo firdhaday colaadaha foosha xun ee ka socda dalkooda.

Naadir Ibraahim oo 44 sano jir ah ayaa sida ay warkan uu Geeska Afrika turjumay ku sheegayso wakaaladda wararka ee Anadool oo Turkiga laga leeyahay, waxoogaa lacag ah oo uu shaqo ku bilaabi karayey la yimid Turkiga, laakiin nasiib darro waxaa laga dhacay lacagtii raasamaalka uu ka dhigan lahaa, kadib markii koox ka faa’idaysanaysay qariibnimadiisu ay u jileen been ah in ay ganacsi wada bilaabayaan. Waxa aanu ku qasbanaaday in uu shaaracyada magaalada Istanbuul ka soo urursado Kaaraatoonta lagala baxo alaabooyinka, ee qashin ahaanta loo tuuro, si uu ugu geeyo warshadda oo dib uga faaidaynaysa. Naadir Ibraahiim waxa uu shaqadan maalintii ka helaa lacag aan ka yarayn 34 Doolar. In kasta oo tirada hore marka leego ay lacag badan u muuqato haddana lacagtan soo gashaa waxba kagama filna noloshiisa, marka la eego noloshiisa Turkiga iyo nolosha xaaskiisa iyo laba wiil oo uu dhalay oo iyagu jooga Lubnaan, suganaya in uu wax u diro.

Naadir waxa uu si fiican ugu hadlaa Afkiisa iyo Afar luuqadood oo kala ah Faransiiska, Ingiriisiga, Isbaanishka iyo Talyaaniga, waxa uu waxbarashadiisa heer jaamacadeed oo cilmiga dhaqaalaha ah ku soo qaatay dalka Marooko, kadib muddo ayaa uu joogay Isbayn iyo Talyaaniga, kadib waxa uu dib ugu soo noqday dalkiisa hooyo ee Suuriya oo xilligaas nabad ahaa, waxa aanu ka bilaabay hawlaha ganacsiga.

Markii dagaallada foosha xumi ka bilowdeen dalka Suuriya ayaa Naadir iyo xaaskiisa iyo labadiisa wiil waxa ay yimaaddeen Turkiga, maadaama oo ay lacag fiican haysteenna waxa ay degeen guri uu leeyahay hudheel ku yaalla magaalada Adranat oo ku taalla dhinaca Yurub ee dalka Turkiga oo qayb ahaani ku jirto xuduudka qaaradda Yurub.

Muddo hal sano ah ayaa ay qoyska Naadir ku noolaayeen gurigan oo kharashka hudheelka iyo cuntadana si caadiya ay iskaga bixinayeen, halkaas ayaanay masiibadii runta ahayd uga bilaabatay kadib markii dad uu rajaynayey in ay ganacsi ku shuraakoobaan oo dalka Turkiga ka wada shaqaystaan ay dhaceen.

Naadir Ibraahiim oo wakaaladda Anadool u warramayaana waxa uu sheekada dhaca ku soo koobay, “Xoolahaygii oo dhan ayaa ay dhaceen iyaga oo ku andacoonaya in ay aasaasayaan ganacsi cusub oo aanu wada leenahay, waxa ay xadeen lacagtaydii”

Naadir waxa uu ku qasbanaaday in uu bannaanka uga baxo hudheelkii oo uu ku wareego dhammaan gobollada Turkiga si uu shaqo u raadsado, isaga oo lacagtii yarayd ee u hadhayna hadba in yar u diraya xaaska iyo labadiisa wiil oo isla markii la dhacay uu dhaqso dib ugu raray dalka Lubnaan si ay ula noolaadaan xaaskiisa qoyskooda oo halkaas deggen. Intii uu shaqada raadinayey waxa uu biil ahaan qoyskiisa uga dirayey lacag yar oo u soo hadhay, laakiin aakhirkii jeebkiisu waxa uu madha isaga oo aan weli shaqo helin.

Naadir Ibraahim muddo uu shaqo raadis ahaa, balse aanu waxba ka helin kadib, aakhirkii waxaa u soo baxday in ay adag tahay shaqo uu helaa, sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaaday in uu raadiyo hab kale oo uu ku heli karo dhaqaale uu noloshiisa iyo nolosha dadka uu masuulka ka yahay ku dabbari karo.

Waxa uu qaatay talo ay siiyeen dad caawiyey markii uu Istanbul yimid, waxa aanu bilaabay in uu samaysto gaadhi gacan loox ka samaysan oo uu ku gurto waraaqaha iyo kartoonnada uu suuqyada magaalada ka urursado, maalin kasta kaas ayaa uu shaaraca dhex jiitaa oo uu buuxsadaa, kadibna uu u geeyaa warshad kartoonnada soo saarta oo inta ay dib u burburiso kuwa la isticmaalay ka samaysa kuwo cusub.