Qodobbo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:5aad)

0
534

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa  qormadii Shanaad ee taxanihii uu Geeska Afrika ku eegayey dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana uu ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

13. Xidhiidhinta saaxiibbada: Waa arrin iska dabiici ah in dadku ay noloshooda ku mashquulaan, oo ay inta badan waqti ku filan ama ku habboon u waayaan waxkasta oo ka baxsan, qoyska iyo shaqada. Waxaa waajib ah n qofku uu ogaado in xidhiidhinta saaxiibbada iyo la kulankoodu ay ka mid tahay waxyaabaha kor u qaada awoodda maskaxeed ee qofka, wanaajiya xaaladda nafsadeed ee qofka, isla markaana yareeya cidhiidhiga iyo culayska nololeed.

Waxa ay khubarada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in qofku marka uu tala gabo waxyaabaha uu sida gaarka ah u xasuusto ay ka mid tahay xidhiidhinta saaxiibbadiisa ay aadka isugu dhowaayeen, isaga oo naftiisa dib ugula xisaabtamaya in ay waajibkaas ka soo baxday iyo in kale, haddii uu dareemo in uu ka gaabiyey xidhiidhinta saaxiib ku dhow ama waxtarkiisana waxaa in badan dhacda in uu qoomameeyo kaalintaa uu buuxin kari waayey intii uu awoodayey.

14. Kalsoonida nafta: Dadka badankoodu waxa ay ku nool yihiin wacyi la’aan iyo iyaga oo aan faham xaqiiqo ku dhisan ka haysan awoodahooda dhabta ah, taasina waxa ay dishaa kalsoonida uu qofku naftiisa ku qabo, waana mid ka mid ah qaldaadka ugu waaweyn ee qofku dib ka qoomameeyo.

15. Malaha iyo qiyaasta maskaxda: Malahu waa xaaraan marka uu arrin macsi iyo dembi ah kula gelayo, khayaaliga badanina nafta waa uu lumiyaa oo xaqiiqada ayuu ka fogeynayaa, laakiin haddana waxa aad ogaataa in uu jiro dareen macnawi ah oo maskaxda bani’aadamku leedahay. HAA, marar badan adiga oo tallaabo qaadaya ama go’aan gaadhaya ayaa aad dareentaa cabsi aan ereyo ahayn oo hoos kula hadlaysa, digniin aanad garanayn si ay ku timid oo kuu sheegaysa in hawshaa aad ku socotaa dhibteeda leedahay. Dadku waa laba mid halkaa ku joogsada oo cabsidaas ka baqa, kaasi waa fulay oo ma fiicna, iyo mid indho-adag oo isku maqiiqa in uu ka gun gaadho arrinkaas cabsi kasta iyo dareen kasta oo taban oo naftiisu siinaysana iska dhego mariya, kaasina waa miidaamo oo ma wacna warkiisu.

Haddaba mar kasta oo aad go’aan qaadanayso ama ficil ku dhiirranayso, waxaa muhiim ah in aad dhegeysato dareenka qarsoon ee Rabbaaniga ah ee maskaxdaadu ay ka sawiranayso waxa dhici doona ficilkaas ama go’aankaas kadib, waa run in cabsida aad dareemaysa iyo digniinta naftu ku siinaysaa aanay wadan sabab cad iyo xujo muuqata, laakiin waxaa muhiim ah in aad dhegeysato oo aad mar labaad fikirka ku celiso arrinka aad ku socotay, si aad nafta ugu xaqiijiso waxa aad fashay in uu saxan yahay iyaduna cabsi bilaash ah iska qabtay.

Haddii aad sidaa yeeli weydo waxaa hubaal ah in ficillo, hadallo iyo go’aamo badan oo aad gaadhayso aad horreyso ama dambayso mid uun qoomamayn doonto marka aad aragto midhaha ka dhashay. Talada ugu fiicani waa in aad naftaada dhegeysato kadibna ka baaraan degto waxa ay kuu sheegayso. La soco…