Soonka Iyo Sixada (8): Soonku Waxa Uu Dawo Ka Yahay Xanuunnada Nafsiga Ah, Waxa Aanu Caawiyaa Go’aan Qaadashada Iyo Hal Adaygga Qofka

0
518

Washington (Geeska)- Qofka oo si niyad-samaan badani ku jirto u afxidha bisha soonku waxa uu dareemaa raaxo iyo xasilooni nafsi ah oo aanu ereyo ku cabbiri karin, waxa aana u caddaata in nafsad ahaan bisha soon ka duwan tahay bilaha kale, taas oo keenta in dad badani ay isweydiiyaan, bal in soonku uu nafsadda u leeyahay faa’idooyin cilmi ahaan ama caafimaad ahaan la xaqiijiyey? Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Jazeera ayaa ka jawaabaysa su’aashaas.

Dr.  Suhayl Qaluum oo ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah kana tirsan xarunta haayadda caafimaadka ee Xamad oo ka jirta dalka Qatar ayaa sheegtay in soonku uu faa’idooyin aan tiro lagu soo koobi karin oo nafsi ah u leeyahay qofka, waxaana ugu muhiimsan in soonku uu xakameeyo cudurrada nafsadda ku dhaqa qaarkood, sida murugada, walaac, hurdo la’aanta iyo xanuunno badan oo dhimirka ku dhaca. Sababtuna waa soonka oo xoojiya dulqaadka iyo adkaysiga uu qofku u yeelanayo diiqadda iyo cadaadiska nolosha, iyo in uu iska caabbin karo raadadka nafsiga ah ee ka dhasha hagardaamada waayaha, taas oo keenaysa in uu nafsad ahaan xasilo.

War-murtiyeed Isniintii dorraad 07-Julaay 2015ka ka soo baxay haayadda Xamad ee caafimaadka ayaa ay Digtooraddu ku sheegtay in soonka iyo cibaadooyinka ay salaaduhu ka mid yihiin ee bisha soonka la qabtaa ay isu-soo-dhowaanshiyo ka dhex abuuraan bulshada, gaar ahaan xilliyada furka iyo suxuurta iyo salaadaha ay taraawiixdu ka mid tahay ee jamaca lagu tukanayo, waxa aanay qofka ka saartaa faquuqnida iyo gooni-joogga isaga oo taas beddelkeedana qaata shucuur ah niyadsamaan iyo rajo keenta in uu si togan u fikiro aragti fiicanna ka qaato naftiisa iyo dadka ku xeeran ba. cilmibaadhisaha qaarkooda waxa ay xaqiijiyeenba in soonku uu yareeyo cadhada, walaaca iyo hurdo xumada/yaraanta.

Dr. Suhayl waxa ay qoraalkan rasmiga ah oo Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ku sheegtay in boqolkiiba 6 dadka dunida ku dhaqan ay qabaan murugo sabab uun ugu timid, taas oo u dhiganta in dad tiradoodu gaadhayso 350 Milyan oo qof oo da’ kasta lihi ay qabaan cudurkan nafsiga ah. waxa aanay caddaysay in cibaadooyinka kala duwa ee bisha sooka, oo ay ka mid yihiin salaadda habeenkii (Taraawiixda iyo Tahajudka) ay nafta ku abuurto nafis iyo xasilooni dheeraad ah, sababtuna waa soonka oo xoojiya awoodda ay dadka soomani u leeyihiin iska caabbinta cadaadiska nafsiga ah ee ka dhasha duruufaha qallafsan iyo waayaha adag ee nolosha.

Ugu dambayntii Dr. Suhayl waxa ay xaqiijisay in soonku uu yahay dawo saamayn badan leh oo loo adeegsan karo dadka laga daweynayo balwadaha xun ee ay qabatimeen ee daroogadu ugu horreyso, iyada oo hoosta ka xariiqday in soonku uu nafta baro anshaxa, una dallacsiiyo darajo in ay u fikirto si togan iyo in ay yeelato garaad ay hawlaheeda ku maamusho, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in soonku uu qofka siiyo awood nafsiya iyo diyaargarow maskaxeed oo uu naftiisa ku hagi karo isbeddel togan.