“Shacabka Somalialnd Iyo Distoorku Ma Ogola Federaal Cid Saxeexi Kartaana Ma Jirto. Wada Hadalada Somaliya Waxaanu Uga Baxnay Dadka Somaliland Ee Ay Ku Dareen”

0
484

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay xukuumadda Somaliland heshiis ku gashay qaadashada nidaamka federaalka.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xisbiyada mucaaradka ku waaniyay inay hoos u dhigaan hadalada ay warbaahinta mariyaan oo uu tilmaamay inay Somaliland dhaawac u gaysanayaan. Ugu horayn isagoo ka hadlaya wasiirku warqadaas wuxuu yidhi, “Warqadan la sheegayo wax ka jiraa ma jiraan, waa warqad been abuur ah, meel ay dawladu cid heshiis kula saxeexatay ma jiro, shacabka reer Somaliland iyo distoorkuna ma ogola federaal cid saxeexi kartaana ma jirto. Sidaad ula socotana wada hadalada Somaliya laftoodii waxaanu uga baxnay markay dad reer Somaliland ah ku soo dareen. Markaas hadal iyo dhammaan warkaasi waa dacaayad been abuur ah oo lagu khalkhalgelinayo shacabka reer Somaliland.”

Wasiir Maxamed Biixi, wuxuu sheegay inay siyaasadda dibadda Somaliland marayso meel wanaagsan, “Siyaasadii dibaddu maanta halkay maraysaa waa meel aad u wanaagsan oo waad aragtaa wadamada dalka ku soo qulqulaya, heshiisyo ayaanu la galnay wadamo kala duwan, waxa muuqata in dunidu hadda u soo jeedsatay qaddiyadda Somaliland mar haddii ay shacabka reer Somaliland hirgeliyeen nabadgeliyo iyo horumar iyo dimuqraadiyad.”

Ugu dambayn wuxuu Wasiirku la hadlay mucaaradka, waxaanu yidhi  “Mucaaradka waxaan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan hadalada dhiilada leh oo ay kala saaraan wadaniyada iyo mucaaradada. Qofka mucaaradka amaba muxaafidka ahi waa inuu wax kasta ka horumariyaa danta guud. Waxaan mucaaradka kula talinayaa inay joojiyaan hadalada ay warbaahinta marinayaan oo dhaawac u gaysanaya dalkan iyo horumarkiisa iyo nabadgelyadiisa.”