Qiso Yaab Leh: Nin Sheegay In Qaadka Aanu Ku Marqaamin Haddii Aanu Ku Dhex Burbursan Quraarad

0
850

Picture4Sanca (Geeska)- Wariye Yaxye Calaawi ayaa isaga oo ku guda jira hawl-shaqo oo uu warbixin kaga diyaarinayey shil laba baabuur oo isku dhacay, waxa uu si kedis ah u arkay dadkii shilka ku soo ururay oo iyagu eegaya meel aan ahayn shilka, markii uu indhaha la raacayna waxa uu arkay arrin uu rumaysan kari waayey. Waa nin dhalinyaro ah oo inta uu dhulka kadaloobsaday guranaya burburka muraayadda baabuurta isku dhacday, kadibna cunaya.

Wariye Calaawi waxa uu markiiba u fahmay in ninkani doonayo inuu is dilo, isaga oo xiisaynaya in uu duubo muuqaalka ninkan naftiisa dilaya ayaanu sawir qaadihii la sucoday u tilmaamay in uu kamarada ku duwo ninkan quraaradda sida raashinka isugu daldalaya, laakiin xaalku sida uu u qaatay ma’ uu ahayn, oo ninkani in uu naftiisa dilo diyaar uma’ aha cunista quraaraddana raaxo ayaabu ka raadinayaa. Wixii maalintan ka dambeeyey ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Cabdalla Maxamed Cali Xamaadi caan ayaa uu ku noqday warbaahinta dalka uu u dhashay ee Yemen.

Qiso maad iyo yaab leh oo wareerisay dhakhaatiirta iyo aqoonyahannada sayniska ayaa ay noqotay markii ay arkeen in Xamaadi sida cuntada isaga oo aan wax dhib ah dareemayn uu u cuni karo Quraaradda. Fatxi Al-ddacuusi oo ka mid ah masuuliyiinta amniga guriga baarlamanka dalka Yemen oo ay Xamaadi saaxiib yihiin ayaa sheegay in mar uu Xamaadi gurigiisa ku casuumay uu kala kulmay arrin yaab leh, kadib markii weel quraarad ahaa iyo xitaa fareen  sawir oo quraarad ahaa uu sii cunay intii cuntada loogu maqnaa. Markan oo keliya ma’aha ee qisadan mid la mid ah ayaa uu Xamaadi mar hore ka sameeyey goob timaha lagu xiiro, waxaana dhacday in loo qaatay musixir oo qasab lagu geeyey cisbitaal Milateri. Laakiin baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyey Xamaadi ayaa caddeeyey in hab-dhiskiisa dheef-shiidku bad qabo, oo quraaraddan uu cunayaa aanay waxba yeelin.

Xamaadi waxa uu sheegay in aanu dhadhanka iyo marqaanka qaadka oo dalka Yemen aad looga cuno helin, haddii aanu qaadka ku dhex takhsiimin waxoogaa burburka quraaradda ah. Sida ay sheegeen qoykiisu, Xamaadi yaraantiisii sida caruuraha qaar ayaa uu aad u cuni jiray ciidda, laakiin markii ay da'diisu gaadhay 7 sano ayuu bilaabay in inta uu sida budo ka dhigo quraaradaha uu qarsoodi ku cuno, si aanay waalidkii ugu arag, laba sano markii uu quraaradda cunayey ayaa ay waalidkii ku ogaadeen cisbitaal ay geeyeen ayaana baadhitaankii uu ku sameeyey ku waayey wax dhib ah oo haysata Xamaadi.

Xamaadi xaaskiisii oo u adkaysan weyday la noolaanshiya nin cunaya weelka iyo wax kasta oo quraarad ah oo guriga yaallay ayaa muddo ka hor ku qasabtay in uu furo. Arrinta kale ee mucjisada ahina waa in marka uu quraaradda Cunayo Xamaadi aanu wax dhaawac ahi soo gaadhayn carrabkiisa iyo dhammaan xubnaha ay quraaraddu u sii marayso caloosha.