Caafimaadka Carruurtu Waxa Uu Ku Tiirsan Yahay Hadba Sida Ay Tahay Nolosha Qoysnimo Ee Ay La Nool Yihiin

0
544

Stockholm (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Sweden ayaa daaha ka fayday raadka xun ee ay caafimaadka ilmaha ku yeelan karto nolosha qoynimo ee cakiran, sida furniinka labada waalid, ama in midkood dhinto ama bukoodo. Waxa aanay xaqiijisay in xaaladahani ay ilmaha ku keeni karaan cudurka macaanka noociisa Koowaad,

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda n xaaladahani ay ilmaha ku keeni karaan dhibaatooyin caafimaad.

Tijaabo laga qaaday 10 kun oo qoys oo da’da carruurtoodu ay u dhaxayso 2 illaa 14 sano, iyada oo la eegayo xaaladahooda caafimaad iyo qoys ayaa lagu ogaaday in carruurta caafimaad qabtaa ay u badan yihiin kuwa ku nool xaalado qoys oo deggen, halka kuwa macaanka noociisa koowaad qabaa ay u badnaayeen kuwa dhibaatooyin dhinaca qoyska ahi soo foodsaaraan, sida furniinka, ama labada waalid oo midkood meesha ka baxo, sababtuna waa xaaladahan oo ilmaha ku keenaya diiqad iyo cidhiidhi nafsi ah. Waxa aanay daraasaddu xaqiijisay in carruurta waalidkood dhintay ama kala-tageen ay saddex laab cudurka macaanka kaga badan yihiin kuwa qoyskoodu xaalad deggen ku nool yahay.

Daaraasaddan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Linkoping ee dalka Iswiidhan ma’aha tii ugu horreysay ee soo bandhigtay in muranka labada waalid iyo waayi-taanka midkood iyo guud ahaanba xaaladda qoysku ay saamayn ku leedahay caafimaadka ilmaha. Waxaa jira cilmibaadhiso hore oo tii ugu dambaysay oo lagu sameeyey dalka Maraykanku ay xaqiijisay in labada waalid oo kala taga ama isfahmi waa iyo muran ka dhex jiraa ay carruurtooda gaar ahaan hablaha ah ku keento buurni xad-dhaaf ah, sababtuna ay tahay warwarka iyo cabsida nafsiga ah ee ilmaha ay arrintani ku keento.