La Kordhiye Yaa Loo Kordhiyay..Kordhinta Dambena Yaa Loo Kordhinayaa? (4)

0
574

Picture5

Xilligu waa goor-xun saar,

 Gegaa lagu dheelayaa,

 Shacbigu ka-garsoore yahay,

 Waxaa guul sheegan kara,

 Cidday u gartaan iyagu,

 Haddaad tahay guur-u-meer,

 Garaabo adoon qub-qubin,

 Adoon ummadda isku gubin,

 Dadweynaha soo gab yidhi,

 Waxaad ka gadayso mari,

 Abaalkana waa gudnaa,                                                             

 Waxaad noo gashee horiyo,

 Gadaal waxaad maaggan tahay,

 Bal noo sheeg waa golee,"

Maansada  Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 5/5/2015ka,

Qormada: 4aad

Golaha Guurtidu maxay xaq dastuuriya u leeyihiin?

Waa hubaal in aad iyo aad loo faafiyay dacaayad-beenaadda ah xilalkii iyo awoodihii Golaha Guurtida ayuu Komishanku ku takri-falay. Waxa la faafiyay oo looga-qaateenka qaarkii dadka ma-kasta ah dhegeha ugu rideen maalinta doorashada Guurtida ayaa cayimaysa. Kor ayaynu ku soo qeexnay cidda xaqa u leh ee cayimaysa iyo qodoobbada Xeerka Doorashooyinka 20/2001kii ee loo raacayo oo ah Qodobbada: 8aad, Faqraddiisa 3ad iyo 14aad, Faqraddiisa 1aad.

Golaha Guurtiduna muxuu haddaba awood u leeyahay? Golaha Guurtidu wuxu awood u leeyahay muddo-kordhinta haddii si kale aynu u nidhaahnana sharciyeynta muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka loo samaynayo.

Laba Qodob oo dastuuriya ayuu Golaha Guurtidu u raacayaa muddo-kordhinta, taas oo ku xidhan duruufo ay tahay in ay jiran si loo sababeeyo. Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Qaranka ayaa dhigaya:

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgood, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa dagaal baahsan, xasillooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus, waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad,

Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.

Horto, hor iyo horraanba si ay Guurtidu muddada u kordhiso, labadaa Qodob oo keliya ayaa u qoran oo duruufo gaar ah ka hadlaya. Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad xaaladaha muddo-kordhin lagu samayn karaa waa: dagaallo baahsan, xasillooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida: dhul gariir, cudurrada faafa iyo abaaro culus,

Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad xaaladda muddada lagu kordhinayaa waa nabad-gelyo darteed.  

Xaaladaha ku xusan Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad iyo Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad midna dalka kama oogna ama kama taagnaba. Sidaa daraadeed adeegsiga qodobbadani ma aha daw kol haddii aanay taagnayn. Haddana waa wax aynu muddaba ku soo dhaqmaynay, mar kasta oo ay Xukuumadi gudan weydo xilalkeeda, tan maanta dalka ka talisaana waa tii ugu liidatay.

Gunaanadka taxanahan:

Kor waxaynu ku soo sheegnay inta qaybood ee isku raacday maalintan Komishanku cayimay, markaa sidee ayay u suurtoobaysaa in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu kelidii deedafeeyo maalinta la isku wada raacay. Dadku badiba waxay is-weydiinayaan, haddii aanay Guurtidu aqoonsan oo qaadan go'aammada doorashooyinka ee Komishanka ka soo baxa, sidee ayay u doonayaan in go'aammadooda la qaato.

Go'aanka Komishanku ka soo saaray maalinta ay doorashooyinka u cayimeen, waxa qoraal rasmiya ka sameeyay Madaxweynaha Qaranka oo Guurtida u qoray, isaguna ma been baa? ma ka kac baa? Oo marka aanay jirin Xisbiyadu, marka aanu jirin Komishanku, marka aanay jirin dareenka iyo oggolaanshaha dadweynuhu, marka aanu jirin dareenka Bulshada Rayidka ahi, marka la qaddarin waayo baaqyada iyo taageerada qurbo-joogta Somaliland, marka la iska dhego-tiro dooca iyo dareenka beesha caalamka, ma idin la tahay Golaha Guurtida iyo Guddoomiye Saleebaan ayaa jiraya? Intaas oo dhan oo Madaxweynihii Qaranku ku jiro ayaa qaldan caqliga ma gashaa? Maalintaa Komishanku cayimay waa la isku raacay, soo-jeedin kale oo ag taallaana ma jirto, maxay markaa Guurtidu raadinaysa?

Dadka iyo dalkuba waa ay mideysan oo waxay ku mideysan yihiin in 1da Juun, 2016ka ay qabsoonto doorashadu ee Guurtidu sidaa ha ku hawl-gasho, bal se yaanay dadka ka soo qaadin in ay maalintaa fikrado kala duwan ka qabaan.

Maanta waxa imtixaaman Golaha Guurtida oo laga sugayo oo keliya in kordhiyaan muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweynde-ku-xigeenka oo keliya iyaga oo ku sar-goynaya maalinta Komishanku cayimay. Waa haddii Eebbe idmo.

Wa billaahi towfiiq,

 

Dhammaad