Qiso Ina Baraysa Khatarta Dawooyinka Ay Hooyadu Qaadato Xilliga Uurku Ku Keenaan Ilmaha

0
609

Qaahira (Geeska)- Haweenay u dhalatay dalka Masar ayaa cisbitaal jaamacadeed oo ku yaalla gobolka Ash-Sharqiya ee dalka Masar ku dhashay ilmo yar abuurkiisu u eeg yahay qaabka libaaxa. Haweenaydan oo 40 jir ah ayaa markii ay fooshu qabatay waxa uu qoyskoodu ula cararay cisbitaal jaamacadeed oo la yidhaahdo Al-zzaqaaziiq, foosha oo ku raagtay kadibna dhakhaatiirtii xaaladdeeda gacantak u haysay ayaa ku taliyey in hooyadan lagu sameeyo qalniin si ilmaha caloosha ku jira looga soo saaro, arrintaas oo dabcan iska dabiici ahayd ayaanay dhakhaatiirtu fuliyeen. Laakiin arrintan qof kasta oo goob-joog ahaa ka nixisay waxa ay noqotay markii ilmihii la soo saaray noqday mid abuurkiisu aad u shabbaho libaaxa, gaar ahaan laabta, dhegaha iyo madaxa.

Ilmahan yar oo wax yar kadib dhalashadiisii dhintay ayey dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladaha noocan ahi dhacaan marka uu khal-khal ku dhaco hab-dhiska neerfayaasha ee ilmaha uurka ku jira. Waxa ay dhakhaatiirtu baadhitaan kadib arrintan ku sheegeen in sababta ugu dhowi ay tahay in hooyadani ay qaadatay dawo nooca aan loo ogolayn hooyada uurka leh ah, taasina ay sabab u tahay xaaladda ilmahan ee mucjisada ah. Hore ayaa ay dhakhaatiirtu uga digeen hooyada uurka lihi in ay isticmaasho dawooyinka, iyada oo haddii laga fursan waayo in ay dawo qaadato looga baahan yahay in uu u qoro dhakhtar takhasus ahi. Sidoo kale hooyada uurka leh waxaa khatar ku ah qaar badan oo ka mid ah kiriimada dumarku u marsadaan is qurxinta ee jidhka la mariyo.