Magacyada Dad Dunida Caan Ka Ah Oo Mushaharkoodu Sannadkii Hal-Doollar Yahay Iyo Xikmadda Ku Jirta (Q:2)

0
643

Hargeysa (Geeska)- Qormadani waa qaybtii 2aad ee aynu kaga waramaynay dadka iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar, kuwaas oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men” iyo xikmadda ku jirta:

Marka laga yimaaddo sababta aynu hore u soo sheegnay ee ahayd shaqaale la’aantii iyo dhaqaale xumadii ka dhalatay dagaalladii dunida soo maray, waxaa iyaduna jirta sababo kale oo kallifayey in qofku uu sannadkii mushahar la’aantaas ku shaqeeyo. Waxaa ka mid ah qofka dadka shaqooyinkan qabanaya oo ahaa dad dhaqaale ahaan aad u ladan, shirkadda ay ka shaqaynayaan oo ay wax ku leeyihiin, faa’ido badan oo kalana ka soo gashaa waa ka mid, waxaana tan tusaale aynu ugu soo qaadan karnaa: Larry Ellison oo ah aas-aasaha iyo maareeyaha shirkadda Oracle ee caanka ku ah samaynta qalabka Kombiyuutarrada isla markaana ah shirkadda labaad ee dunida ugu weyn dhinaca samaynta barnaamijyada kombiyuutarka marka laga yimaaddo shirkadda Microsoft.

Larry Ellison waxa uu mushahar u qaataa Hal doolar sannadkii, laakiin dhinaca kale marka laga eego waxa uu shirkaddiisa ka helay xuquuq lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay 77 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ah qofka oo aan dhaqaale u baahnayn isla markaana xiisaynaya in shaqadan uu qabto maadaama oo uu og yahay in uu wax badan ku soo kordhin karo, waayadan dambana waxaa ku soo biiray kuwo iyagu magac doon uun ah oo doonaya in taariikhdu ku tiriso liiska dadka bilaa lacagta ugu adeegay dalkooda ama shirkado waxtar u leh dadka. Inta badan masuuliyiintan Halka Doolar sannadkii qaataa waxa ay sidoo kale ka tanaasulaan wixii xuquuq ah ee kale ee ay shirkadda ama dowladda ku yeelan lahaayeen shaqadan ay qabteen awgeed.

Magacyada masuuliyiinta Ganacsiga ee sannadkii $1 mushahar u qaata:

1. Nagavara Ramarao Narayana Murthy  (N. r. Narayana Murthy): Waa 68 jir ka mid ahaa toddobada nine e aas-aasay shirkadda caanka ah ee Infosys, oo sidoo kalana ka yahay Guddoomiyaha Fulinta, waxa aanu sannadkii mushahar u qaataa Hal doolarka Maraykanka ah.

Shirkadda Infosys oo laga leeyahay dalka India waa shirkad caalamiya oo bixisa talooyinka la xidhiidha ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo Farsamaynta barnaamijyada Kombiyuutarku ku shaqeeyo (Engineering Software) iwm. Waa shirkadda saddexaad ee dhinaca adeegyada IT ga ugu ballaadhan dalka India iyo shirkadda Shanaad ee dalka Maraykanka ugu shaqaalaynta badan.

2. Sergey Brin: Waa 41 jir Maraykan ah oo ku xeel-dheer Sayniska Kombiyuutarka iyo maal-gashiga Internet ka. Sergey oo isir ahaan ka soo jeeda Midowgii Soofiyati balse isaga oo lix jir ah ay waalidkii ula soo haajireen dalka Maraykanka ayaa isaga iyo Larry Page waxa ay wada aas-aaseen shirkadda Google ee baadhista Internet sannadkii 1998kii, waxa aanay muddo gaaban ku noqotay shirkadaha Internet ka kuwa ugu faa’ido samaynta badan. Sergey hantidiisa gaarka ah waxaa bishii Tobnaad ee sannadkan 2014ka lagu qiyaasay 29.9 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo ka soo gashay shirkadda Google ee uu boqolkiiba 16 ku leeyahay. waxa aanu shirkadda Google sannadkii mushahar ahaan uga qaataa Hal doolar oo keliya.

3. Darren Entwistle: Maalqabeen u dhashay dalka Canada oo madax ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee dalkaas.

La soco…