Warmurtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Mucaawinooyinka Dalka

0
588

Nabadda, Xasillloonida, dimuqraadiyadda iyo Horumarku waxay leeyihiin miisaan heer gobol iyo mid caalami ah. Sidaas darteed, guusheenna ama guul-darradeennu waa mid ay xiisaynayaan bulshada caalamku.

Shirka Isku duwidda Mucaawimooyinku waxa uu ka dhacay magaalada Hargeysa 3-4 November 2014. Shirkan oo isu keenay dawladda Somaliland, ururada bulshada iyo deeq bixiyayaasha waa mid u dhexeeyey dhinacyada iska kaashaday mashruucan wadajirka ah.

Kulanka isku duwidda Mucaawimooyinku waxa uu u taagan yahay madal ay ku wada hadlaan dawladda Somaliland iyo bulshada caalamku. Shirka waxa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana wada guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Cali Shire, Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, Mudane Geert A. Andersen, Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) ee UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mudane Phil Evans iyo Sheikh Cisse oo ah xidhiidhiyaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa. Shirka waxa kasoo qayb galay in ka badan 220 wafti oo ka kala socday dawladda Somaliland, xubno ka tirsan baarlamanka Somaliland, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Kasoo qayb galayaasha caalamiga ah waxa iyagana ka mid ahaa wufuud ka kala socotay Australia, Denmark, Germany, Netherlands, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska (UK), Maraykanka iyo Wakiillo kale oo ka socday urur gabaleedka IGAD, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo dallada Hay’adaha Caalamiga ah (NGO Consortium) Waa markii labaad ee isla sannadka 2014 ee dhammaan dhinacyadu kulmaan si ay u gorfeeyaan baahiyaha horumarineed iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo bulshada caalamka. Wada hadalku waxa uu diiradda saarayay horumarka Somaliland ka samaysay hirgelinta hesshiiska (New Deal), gaar ahaanna Habka Caawimada Gaarka ah ee Somaliland. Kasoo qayb galayaasha waxa la siiyay warbixinno dhamaystiran oo ku saabsan tallaabooyinka la qaaday si loo hirgeliyo waxyaalaha ugu mudan oo ay ku  jiraan dhinacyada siyaasad loo dhanyahay, xasilloonida, caddaaladda, daadejinta maamulka, koboca dhaqaalaha, abuuridda dakhliga iyo bixinta adeegyada. Madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee iskaashiga la leh Somaliland waxay soo dhoweeyeen horumarka sii socda ee laga sameeyey in la gaadho himilooyinka iyo yoolka Somaliland ee ku cad Habka gaarka ah ee Caawimada Somaliland. Waxa kale oo ay soo dhoweeyeen iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya dawladda Somaliland, bulshada rayidka iyo bulshada caalamka. Sidoo kalena waxay xuseeen in jawiga wanaagsan ee ka jira Somaliland gaar ahaanna dhanka nabad gelyada , xasilloonida iyo in lala xidhiidho bulshadu uu sahlayo joogteynta in la helo aasaas adag oo sal u noqon kara inuu sii socdo xidhiidhka caalamiga ahi. 

Ka sokow ammaanta laga bixiyay horumarka la gaadhay illaa iminka, kasoo qayb galayaashu waxay xuseen in ay jiraan fursado kor loogu qaadayo hirgelinta waxyaabaha ugu  mudan ee ku cad Habka Caawimada Gaarka ah ee Somaliland; gaar ahaanna waxa la isla gartay in isbeddelada muhiimka ah ee dhanka sharciga sida maamulka maaliyadda dawladda , adeegyada bulshada, caddaalada, jawiga maalgelinta iyo saxaafaddu ay yihiin kuwo loo baahan yahay si loo hubiyo in isbedelku noqdo mid dhaqan gal ah.

 Kasoo qayb galayaashu waxa kale oo ay isla garteen in doorashooyinka 2015 oo waqtigooda la qabtaa ay muhiimad gaar ah u leedahay in la joogteeyo ilaalinta xeerarka dimuqraadiyadda ee xoojinaya jiritaanka iyo isla xisaabtanka nidaamka siyaasadeed ee Somaliland. Sidoo kalena waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo isticmaalka nidaamyo ay leedahay hormoodna ka tahay Somaliland si loo dhiso awoodaha hay’adaha dawladda, isla markaana waxa kale oo  ay xuseen fursadaha bannaan ee mashaariic isbeddelo ballaadhan  keenaya oo laga bilaabo Somaliland. Mar kalena waxa ay soo dhoweeyeen horumarka laga gaadhay aasaasidda nidaam lagu daba galo laguna qiimeeyo Habka Caawimada Somaliland ee Gaarka ah iyaga oo isla qaatay in la xoojiyo isku xidhka waaxyaha taas oo muhiim u ah in ay sii socoto taageerada la siinayo Somaliland. Dhammaan kasoo qayb galayaashu waxay ka warrameen sida ay ugu heelan yihiin in kulanka Isku duwidda Mucaawimooyinka Somaliland uu noqdo madal lagu gorfeeyo la iskuna afgarto  sidii taageero xooggan oo sii socota loo siin lahaa yoolka iyo himilooyinka horumarineed ee Somaliland. Madaxda kale ee shirka guddoominaysay ee UK iyo Denmark, ayaa iyaguna yidhi sidatan: “ Somaliland iyo deeq bixiyayaasha labaduba waxay u heelan yihiin hirgelinta heshiiska cusub (New Deal) kaas oo ay saldhig u tahay  iskaashi iyo isla xisaabtan. Sidaas darted, ka deeq bixiyeyaal ahaan waxanu bixinaynaa deeqo sii soconaya oo  ay ka mid yihiin Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), Maalgelinta uu wado Bangiga Adduunka, iyada oo dawladdana laga rabo inay abuurto jawigii lagu xakamaynayay taas oo loo marayo samaynta sharciyo muhiimah sida xeerarka lagu maamulayo maaliyadda dawladda,waana lafdhabarta ballanqaadka wadajirka ah ee ku saabsan horumarinta maamulka maaliyadda Somaliland.