“Hadaanu Hadalona Waa Af- Salax Ku Dhagayagii, Hadaanu Aamusnana Reerka Sidaa Laga Dayn Maayo”Muniir Axmed Cigaal

0
1367

Fule xantii ma mooge, dad badan ayaan arkaa oo yidhaahda Muniir wuxu la fikir yahay ama la mawqif noqday Wasiirkii hore ee Madaxtooyada..

Anigu sidaanu isku mawqifka u noqonay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Rer Sool ah, ama Cabdiraxmaan Talyanle, Maxamed Biixi Yoonis, Xuseen Axmed Caydiid iyo in badan  oo kale ayaanu Xirsi-na isku mawqif u noqonay markaan arkay sida wax u socdaan  iyo halka xaal maraayo ileen adduunka waa la noolaanayaye oo taariikh ayaa hadhi doontee .. Lakiin Somalida ayaan ka dhashay oo aqaanayo isku cid ayaad tihiin ayay odhan doonan.. Danse kama lihi oo alle ayaanu is ognahay.. Haddii cidi wax tarayso inta joogtaba Xirsi iima kala sokeeyaan qabiil ahaan walle intii taqaana taqaan. Waxaase  jirta Gaal Dil ayay Somalidu tidhaahda Gartiisana sii.. Hadeer Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, anoo ixtiraamaya ayaan dhagaysanayaay isagoo ka hadlaaya Saldhiga Milatari ee Imaraadka laga siinaayo Berbera, maruu ka dhoofaayay Garoonka Hargasya .

"Subaxaanallaah..". Maxamuud Xaashi wuxuu u hadlaayay sidii waagi Sagashamaadkii markii uu Xildhibaanka aha ee uu waraqaha xilalka reeraha qor-qori jiray .. Hanjabada iyo kala qaybinta bulshada iyo cunfiga uu shubaayay waan yaabay kaligay anigoo Meel Coffee ah fadhiya.

Wasiirka Madaxtooyaddu muu  sharxin waxa Qarankeena curdinka ahi uu godobta intaas leeg ee inaga baxsan awood ahaan  ku qaadanaayo, cida heshiiska la gashay Imaraadka, ileen layna aqoonsana Waxa laga hadlayaana waa hub iyo Milatari adduunkuna sidaa uma shaqeeyo. Wuxuu ku koobay "Waa inoo faa'iido waayo Dee waaba Saldhig Ciidan, iyo Golayaasha ayaanu marinaynaa ragga suuqa ka qaylinayaa ma joojin karaan ".

Rer Somalilandow anigu wax kale odhan maayo AMA hiil u arka AMA maagis u arka.. Madaxweyne Siilaanyo Waa Oday Muxtarima labadii kaaliye ee ka hoos shaqaynayaay Xirsi iyo Maxamuud midhahoodii, fikir ahaan, caqli ahaan, balan  ahaan iyo hoggaamin ahaanba waynu tijaabinay anigu tariikhda ayaan u dayn doona ..

Saldhigaasna waxan leeyahay Maxamud Xaashi, Walal dadku cawaan maha khayr iyo shar wuxu leeyahay Saldhig ciidan oo dal aan la aqoonsanayn la keenay intii wax fahmaysaa way  arkayaan, awooda aad ku baanaysidna Waa muddo kooban oo tirsan.. Imaraad  Uganda ba waad keeni kartaan.. Golayaasha aad sheegayso ee la marinayaana waa kuwii shalay DP World 15000$ loo qaybinaayay dad ummadda ka naxaaya anigu halkaas kuma ogi.. Waxase iga tallo ah Xajiga tariikhda haka xumaynina Bilaa Calaykum..