Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 9aad

0
632

Roosevelt oo aan ahayn madaxweynihii aynu qormadan kaga soo warrannay ee isagana Roosevelt ay magaciisa ku jirtay, waxa uu ku guulaystya in uu Maraykanka hoggaamiyo xilli dhibaatooyin dhaqaale jireen, isla markaana waxa uu hoggaamiyey Maraykan xilli uu dagaalkii labaad ee adduunku socday, iyada oo xaalkiisa runta ah ee dhinaca caafimaadka lagu baraarugay, markii Afaraad ee uu xilka ku guulaystay dhimashadiisiina bilow yari ka hadhsan yihiin.

In murashaxiinta madaxweynenimo ee Maraykanku xaaladdooda caafimaad aanay runta ka sheegin, isla markaana ku dadaalaan in ay dadka isu tusaan dad jidh ahaan iyo maskax ahaanbaxoog badan waxaa kallifaya wacyiga dadka Maraykan ee ku baraarugsan tamarta iyo quwadda looga baahan yahay ruuxa dalkooda hoggaaminaya.

Xaaladda caafimaad darro ee Madaxweyne Roosevelt waxa ay aadu muuqatay sanadkii 1945ka, gaar ahaa markii uu ka qaybgalay shirkii Yalta ee caanka ahaa oo ka dhacay magaalada Yalta. Shirkaas oo sidoo kale loo yaqaanno shirkii Cremea (Kiriimiya), waxaa isugu yimid hoggaamiyeyaashii, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Soofiyati iyo Faransiiska, ujeedadiisa ugu weyninaw waxa ay ahayd sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Jarmalka xilli uu socday dagaalkii Labaad ee Maraykanku.

Raysalwasaarihii xilligaas ee Ingiriiska Winston Churchill oo dhinaca kale ahaa dhakhtar caafimaad ayaa arkay xaaladda madaxweynaha Maraykanka, oo dad badan oo kalaba la arkeen, laakiin isagu waxa uu jebiyey xeerarkii diblumaasiyadda oo waxa uu si cad warbaahinta uga sheegay xaalka Madaxweyne Roosevelt in uu aad  u liito, “Waa nin sii dhimanaya” ayaana hadalladiisa ka mid ahaa.

Roosevelt waxa uu garwaaqsaday in la gaadhay xilligii uu daaha ka faydi lahaa xaaladdiisa runta ah, gaar ahaan dadka Maraykan ee afarta jeer doortay runta ogaan lahaayeen, waxa uu khudbad ka jeediyey golaha Kongareeska si uu ugaga warramo shirkii Yalta iyo waxa ka soo baxay oo la xidiidhay dagaalkii labaad ee adduunka.

Xildhibaannadii iyo dad badan oo madasha fadhiyey waxaa u qaadan-waa iyo af-kala-qaad ku noqotay xaaladda ay ku arkeen madaxweynahooda, ‘Nin ay da’ badani ka muuqato, aad u caatoobay, oo liic-liicaya ayaau soo galay. Waa ay ka sii dartay oo waxaa u caddaatay in xitaa aanu taagnida ku khudbadayn Karin. Laakiin, si la yaab leh oo aan isaga iyo si guud madaxweyneyaashii ka horreeyey looga baran ayaa uu uga hadlay xaaladdiisa caafimaad. Hadalladii qiirada lahaa ee uu goobtaas ka yidhina waxaa ka mid ahaa, “Waxa aan idinka rajaynayaa in aad iga cafiyi doontaan, xaaladdan aan caadiga ahayn ee aad igu aragtaan, oo ah in aan fadhiga idiiin ku sheego waxa aan doonayo in aan idin idhaahdo. Sidan (Fadhiga) ayaa ah sida iigu sahlan aniga, oo ii dhaanta in aan bir afar kiiloo iyo badh ah cagta ku soo duubto si aan u awoodo istaagga” waxa uu Wilson hadalladan ku iftiiminayaa naafonimo ku qasbi jirtayin uu lugta taag-darradeeda ku kabo birta lagu yaqaanno in dadka curyaamiinta ah cagaha hareerahooda loogu xidho si ay u awoodaan in ay istaagaan, taas oo aanay hadalkiisan ka hor dadka Maraykan ogeyn in uu lugta ku xidhan jiray naafonimadii cudurka dabaysha (Polio) ee ku dhacay awgeed.

Roosevelt oo doonaya in uu Mudaneyaasha u sheego in weli maskaxdiisu caafimaad qabto oo taladu gacantiisa ku jirto ayaa khudbaddiisan kaga warramay shirkii uu ka yimid, “Shirkii Crimea waxa uu bilow u ahaa dhammaadka nidaamkii ahaa in dal keligii tallaabo iska qaato, is-xulafaysigii cid gaar ah uun ku koobnaa, dhulkii dawladaha gaarka ah uun u xidhaanayey ee aanay cid kale ku farogelinayn siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, isu-dheellitirnaantii awoodaha iyo dhammaan marmarsiinyeyaashii qarniyada la soo tijaabinayey, ee mar kasta guul darraysanayey. Waxa aanu soo jeedinnay in waxaas oo dhan looga guuro urur caalamiya, oo dhammaan Qaramada nabadda jeceli ay ugu dambayntii fursad u helaan in ay ku kulmaan”

Sannadihii dambe xaalka Roosevelt waa uu ka sii daray, gaar ahaan markii afadiisii geeriyootay, waxa aana Guriga Cad u soo guurtay inantiisii Anna, si ay wehel iyo garab ugu noqoto, sidoo kale Anne waxa ay ka shaqaysay sidii ay dib isugu arki lahaayeen aabaheed Roosevelt iyo gabadhii ay dhalinyaronimadii is jeclaayeen ee Lucy Mercer Rutherfurd oo iyaduna xilliyadaas uun carmaloowday.

29kii Bishii Saddexaad ee 1945kii ayaa uu Roosevelt tegey qasriga madaxtooyadu ku leedahay Warm Springs, oo ka tirsan gobalka Georgia, si uu ugu soo qaato nasasho uu ugu diyaargaroobayey kulanka ay ahayd in uu sida weyn uga dhex muuqdo ee lagu aasaasayey ururka Qaramada Midoobey. Bishii Afaraad oo 12 ah ayaa goor galab ah, uu Roosevelt dadkii ka ag dhowaa u sheegay, “Xanuun aad ah ayaa aan ka dareemayaa dhabarka iyo madaxa” cabbaar yar kadibna waxa uu hore ugu dhacay miiskii uu fadhiyey, waana uu miyir beelay. Saddexdii galabnimo ee isla maalintaasna waa uu geeriyooday.

Maadaama oo xaaladda caafimaad ee Roosevelt muddo dheer sir ahayd, intii dambe ee warku soo baxayna, aan si run ah heerka xaaladdiisu marayso looga warramin, waxa ay arrinta dhimashadiisu u qaadan waa ku noqotay rayul caamka, waxa aanay Maraykanka iyo dunidaba ka abuurtay naxdin iyo jaahwareer badan.

Hillary Clinton iyo xanuunkii sirta ahaa

Hillary Clinton, Marwadii koowaad ee hore, xildhibaan Golaha Kongareeska ka tirsanaan jirtay, La soco…………….