Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Xustay Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fircooniga Ah

0
583

1Hargeysa(Geeska)-Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland ayaa Shalay xustay maalinta caalamiga ah ee cidhibtirka gudniinka fircooniga ah.

Munaasibad lagu  xusayey cidhibtirka gudniinka fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradaha caafimaadka, shaqada, xubno ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo jeediyey in qorshe adag laga yeesho cidhibtirka gudniinka waxaanu yidhi “Sharcigii lagu joojinayey gudniinka fircooniga ah wuu socdaa laakiin waxaanu leenahay dumarow midiyaha dhiga ileen ragu waxba ma gudaane, hooyooyinkana waxaanu ka codsanaynaa inay ka qayb galaan wacyi gelinta ka dhanka ah gudniinka hablaha, dawladuna waa inay siyaasadeeda adkayso, waxaanan leeyahay Nafis iyo Nagaad waa inay  fariintoodu is gaadhaa oo ay talaabo ka qaadaan arintan, hay’addaha ka shaqeeya cidhibtirka gudniinka waxaan leeyahay waa in qorshe adag oo isku mid ah oo midaysan oo la og yahay cid waliba waxa ay qabanayso waa inay arintaas ka sameeyaan, wasaarad ahaana waxaanu ku dedaalaynaa in dhamaan hay’addaha dawlada ee arintani khusayso talaabo isku mid ah oo cad ay ka qaataan, hay’addaha nagala shaqaynaya ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ah waxaanu leenahay sida dadka fariinta loo gaadhsiinayaa waa arin u baahan in la darso oo aynu qiimayno ilaa haatan halka aynu marayno,maxaa inaga dhiman, maxaa khaldan iyo habka loo galayaa inuu yahay kii saxda ahaa.”

Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Saleebaan ayaa isaguna ka hadlay waxa ay shareecada islaamku ka qabto gudniinka hablaha waxaanu yidhi “Inaga inta inagaga koobani waxa weeyaan Gudniinka la yidhaa fircoonigu inaanu shareecada Islaamka meel uu kaga yaalaa aanay jirin oo uu yahay xaaraan iyo caado aan banaanayn, taas marka laga yimaado hablaha mala gudayaa iyo mise lama gudayo waa masalo sharci ah, arinkaasina waxa uu u baahan yahay in  culimada ka hadlaysaa ay si waadix ah uga hadlaan, ta shareecada islaamku xarimayso ee aynu isla ognahay waxa weeyaan in inanta la xidh xidho waxaana ka waajiba mag.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay gudoomiyaha Dallada Nafis Network  Khadra Cumar Xasan taas oo faah faahisay dhibaatooyinka uu hablaha u keenay gudniinka fircooniga ah waxaanay tidhi “Waxa uu dhibaato weyn u gaysatay xaga caafimaadka maskaxda, jidhka iyo waxbarasho ahaan ee hablaha, waxa uu yareeyey tarankii, waxaana in badan la jiifa dhakhaatiirta iyo guryaha dhexdooda dumar dhalmo waayey, waxa uu dhibaateeyey waxbarashadii hablaha, maskaxdana waxa uu kaga reebay raad aan ka ba’ayn xanafta midida lala dhacayo jidhkeeda, waana qof nool oo jidhkeedii badh la aasay badhna gudaafadaha lagu daray.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka somaliland Xasan Daahir Dhimbiil oo ka hadlay munaasibadan ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku shaqaysta mihnada gudniinka habluhu aanay wax ogolaansho ah ka haysan wasaarada caafimaadka waxaanu yidhi “Hawl wadeenada hawsha noocan ah qabta wax ogolaansho ah kama haystaan wasaarada caafimaadka, waxaana loo baahan yahay qofkii hawl caafimaad oo bulshada u dana qabanaya waa inuu marka hore ogolaansho haystaa,  haddii aanu haysana shaqadiisu waxay noqonaysaa shaqo aan waafaqsanayn sharciga oo qalad ah, waxaanan ugu baaqaynaa cid kasta oo hawshaas gacanta kula jirtaa inay la kaashato wasaarada caafimaadka, dawlada somaliland-na ma ogola wixii bulshada dhib ku keenaya in la sii wado, mana aha siyaasada qaranka iyo siyaasada umada.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Cabdi Daahir Camuud oo gunaanadkii munaasibadan soo xidhay ayaa sheegay inay wasaarada shaqadu ka hawl gali doonto dadka ku shaqaysta gudniinka fircooniga ah “Dadweynaha ka soo qayb galay munaasibadan ee dhakhaatiirta iyo dumarka iskugu jira aad ayaan ugu mahad celinayaa, Maanta waa maalintii aynu xusaynay oo la doonayey inay maankeena ku jirto in dadka lagu wacyi geliyo in layska daayo gudniinka fircooniga ah, dumarka waynu la dhalanay oo way inoo dhaxeen oo waynu dhalnay, waxaana loo baahan  yahay inaynu wacyi gelino oo aynu caadadaa xun ka joojino, wasaarada shaqaduna way ka hawl gali doontaa dadka arimahaas ka shaqaysta.”