Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 9aad

0
801

Marwadii Koowaad Ee Qarisay Xanuunka Madaxweynaha

Madaxweynihii 28naad ee Maraykanka Woodrow Wilson oo talada hayey siddeedii sano ee u dhexeeyey 1913kii illaa 1921kii, ahaana murashaxii tartankii murashaxnimada xisbiga jamhuuriga dhexdiisa kaga adkaaday Roosevelt oo aynu xagga sare kaga sheekaynaynay, waxa uu ku guulaystay madaxnimada xilli uu socday dagaalkii koowaad ee adduunku, mar labaad ayaanu haddana ku guulaystay xilka madaxweynenimo laakiin markan labaad isaga oo aan weli dhammaysan ayaa uu dhiig kaga furmay maskaxda.

Xanuunkani waxa uu sababay in muddo toddobaadyo ah oo xaaladdiisu adkayd uu ka qarsoomo gebi ahaanba fagaarayaashii lagu arki jiray madaxweyneyaasha Maraykanka, dadka Maraykanka iyo dunida oo dhamina waxa ay garan waayeen waxa dhacay iyo sababta madaxweynihii Maraykan loo arki waayey, gaar ahaan xilligaas oo xasaasi ahaa, arrimo badan oo ay ahayd in uu ka hadlaana soo baxeen toddobaaddadii uu jiifay.

Caadi ahaan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Maraykan sir ma’aha, laakiin Wilson sababta xaaladdiisan caafimaad qarisay waxa ay ahayd xaaskiisii Edith Bolling oo dalbatay in si buuxda loo qariyo xaaladda madaxweynaha iyo waxa ku dhacay.

Woodrow Wilson oo shahadada sare ee PhD ku haystay cilmiga siyaasadda, horena bare-sare uga soo noqday jaamacado kala duwan, markii dambana loo doortay in uu madaxweyne ka noqdo jaamacadda Princeton ee dalka Maraykaka, xilkaas oo uu hayey illaa sannadkii 1910kii, oo uu ku guulaystay guddoomiyaha gobalka New Jersey ee dalka Maraykaka, saddex sano kadibna uu ku guulaystay doorashadii madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, oo uu qabtay sannadkii 1913kii.

Woodrow Wilson waxa uu dhiig maskaxda kaga furmay isaga oo aan weli noqon madaxweynaha Maraykanka, laakiin maadaama oo uu fududaa xaalkiisu, xilligii uu murashaxa ahaa dadku wax caafimaad darro ah kama ay dareemin, waxa kale oo la sheegaa in Wilson uu qabay xaalado xanuunno nafsi u badan oo ay ka mid tahay xanuunka faquuqa carruurta ku rida.

Cudurkan oo afka qalaad Autism lagu magacaabaa macne ahaan waa xaalad nafsi ah oo keenta in qofku uu dabarka ka furo malo-awaalka maskaxdiisa isaga oo ka baxsanaya ama diiddan in uu waajaho runta iyo duruufaha hor yaalla, caafimaad ahaana waa xaalad khalkhal ku imanayo maskaxda kuna keenayo in ay la falgeli kari weydo ama dhexgeli kari waydo dadka iyo deegaanka ku xeeran, waana sababta aan u doorbiday in aan ugu yeedho Faquuq, oo qofkii ayaa uu ka faquuqaya bulshadii oo gooni socod aan cidna ogolayn ka dhigayaa. Halka dad kale oo xaaladihiisa daraaseeyeyna sheegeen in uu madaxweyne Wilson qabay cudurka Dyslexia oo isna ah cudur nafsiya oo maskaxda xidhiidh la’ leh, qofkana ku keena waxa ay Soomaalidu carrab weyni u taqaanno oo ah in uu ilmuhu hore hadalka u baran waayo, iyo in qoraalka iyo akhrisku dhib ku noqdaan, oo tusaale ahaan higaadda xuruufta baran kari waayo, ama akhriska iyo hadalka degdegga ah carrabkiisu keeni kari waayo.

Franklin Roosevelt: Madaxweynihii Isaga Oo Bukaan Qarsanaya 13 Sano Maraykan Ka Taliyey

Madaxweynihii 32naad ee Maraykanka oo xilkan hayey intii u dhexeysay sanadkii 1933 illaa dhimashadiisii oo ku beegnayd sannadkii 1945kii, waxa uu Guriga Cad ka talinayey muddo 13 sano ah, oo noqonaysa in uu xilkan doorashadiisa isu soo taagay Afar jeer oo markii ugu dambaysay isaga oo sannad keliya shaqeeyey uu dhintay. Franklin Roosevelt oo ah madaxweynaha taariikhda Maraykan ugu muddada dheeraa, maadaama oo aanu xilligaas sharciga Maraykanku xakamaynayn tirada xilli-xileedka madaxweynaha Maraykanka, sannadkii 1921kii ayaa uu ku dhacay cudurka waaxyaha bakhtiiya ee Dabaysha oo afka qalaad loo yaqaanno Polio, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 39 sao jir. In kasta oo uu cudurku dhaawacay jidhkiisa, haddana waxba ma’ uu yeelin himiladiisii fogeyd iyo halgankii uu ugu jiray in uu rumeeyo hankiisa siyaasiga ah, 12 sano kadib ayaa aanu xisbigiisa dimuqraaddiga uga qaybgalay doorashadii madaxweynenimo oo uu si aad ah ugaga guulaystay murashaxii Jamhuuriga Herbert Hoover oo isagu xilka madaxweynenimo hayey, laakiin ku guuldarraystay in uu xilli labaad xilka ku soo noqdo.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in Franklin Roosevelt uu xaaladdiisa caafimaad ee runta ah ka qariyey dadka Maraykanka, isaga oo ku dadaalay in aan la arkin taag-darrada lugihiisa biruhu kaabayeen, inta badanna iskaba dhowri jiray in la arko isaga oo socda, oo sawirrada ugu badan fadhiga ku geli jiray.

Roosevelt in ay xaaladdiisu qarsoonto waxaa aad uga caawiyey xilliga uu ku soo beegmay oo sawirrada casriga ahi aanay jirin, in kasta oo intii uu xilka hayey ay bilaabatay horumarkii laga gaadhay qalabka taswiirta ee Footogaraafka loo yaqaanay iyo filimada, laakiin kuwaasna waa uu khiyaameeyey.

Roosevelt oo aan ahayn madaxweynihii aynu qormadan kaga soo warrannay ee isagana Roosevelt ay magaciisa ku jirtay, waxa  uu ku guulaystya in uu Maraykanka hoggaamiyo xilli dhibaatooyin dhaqaale jireen, La soco…………