NASA Oo Sheegtay In Ay Oogada Meeraha Farraare (Mars) Ka Heshay Dismeyaal 6 Sarood Ka Kooban

0
773

Washington (Geeska)- Wakaaladda ee Socdaalka Hawada sare iyo cilmibaadhista Koonka oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa soo bandhigtay sawirro lagu sheegay in ay yihiin gidaarro dabiici ah oo aad u waaweyn, kuwaas oo ay ka heshay oogada saree e meeraha Farraare oo afka qalaad MARS lagu yidhaahdo.

War ay soo saartay NASA oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee Al-Qudus oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ay NASA ku sheegtay in sawirradan ay soo qaadeen koox khubaro ahaa oo sahamin u tegey meeraha Faraare iyaga oo adeegsanayey kambaradaha casriga ah ee sida gaarka ah loogu talogalay hawlahan, waxa aanay sahamiyeyaashani arkeen gidaarradan oo ku dhow barta ay culimada iyo cilmibaadayaasha Meeraha Farraare u yaqaannaan Medusae Fossae oo ah hal-beegg Jiyoologi oo aad u weyn, asalkiisana cilmi ahaan aan la aqoonin.

Wakaaladda NASA waxa ay caddaysay in sawirrada laga soo qaatay dhismahani ay muujinayaan in dhererka qaar badan oo ka mid ah gidaarrada la arkay, uu joog ahaan u dhigmo gidaarka sar ka kooban 16 dabaq. Waxa aanay hoosta ka xariiqeen in gidaarradan qaar ka mid ahi u dhigmaa kuwa kookan aadamuhu joogo yaalla, gaar ahaa walxaha dhererkoodu 10 Mitir yahay ee yaalla gobalka New Mexico ee dalka Maraykanka.

Khubarada NASA waxa ay sheegee in gidaarradan ay Faraarre ku arkeen ay cilmi ahaa tusayso in ciiddada meerahani ay sanado badan is-guraysay (Is-cunaysay, laakiin aanay ahayn burbur ka hadhay Folkaane.