Wasiir Samsam Oo Xadhigga Ka Jartay Mashaariic Laga Hirgeliyey Wajaale

0
529

Wajaale (Geeska)-  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Shalay Xadhigga ka jartay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Ganacsiga Somaliland ee Wajaale.

1

Munaasibad loo qabtay furitaanka dhismahan, ayaa wax ka qayb-galay Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali-casse, Guddoomiyaha degmada Wajaale, Maayarka Magaalada Gabiley iyo Masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Gabiley.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali-casse oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan u Mahad-naqayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo inuu hirgelisay Dhismahan oo ka kooban Guriga Martida iyo guriga Shaqaalaha (Maaliyadda).”

Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Sharafta Gurigan waxa iska leh Wasaaradda Maaliyadda, khaasatan Wasiir Samsam, Gurigani wuxuu bilic u yahay Magaalada Wajaale.”

Maayarku waxa kale oo uu sheegay, “Haddaanu nahay Shacabka Gobolka Gabiley abaal-weyn baanu u haynaa Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.” Ayuu yidhi.

Maayarka Degmada Wajaale, oo isaguna Munaasibadda loo qabtay Xadhig ka jaridda dhismahan ka hadlay ayaa yidhi, “Anigoo Maayarkii ah waxaan aad ugu Mahad-celinayaa Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiir Samsam oo aad (u dedaashay) hadday xagga Abaaraha noqoto.” Ayuu yidhi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Halkaasi hadal ka jeedisay markii ay Xadhigga ka jartay dhismaha ay Wasaaradda Maaliyaddu ka hirgelisay Wajaale, ayaa tidhi, “Wajaale waa Laf-dhabartii Somaliland, waa meel uu Madaxweynuhu ku tabcay, Annaguna Madaxweynaha Tilmaamihiisa ayaanu ku shaqeynaynaa, Waayo? Haddaan Madaxweynaha Qorshihiisa lagu shaqeynayn waxba maanaan qabaneen. Tilmaamaha Madaxweynuhuna waxay ku astaysan yihiin Horumar, waayo? Madaxweynuhu waa Madaxweyne ku astaysan in Waxqabad Dalka lagaga tago, annaguna taas ayaanu ku shaqeynaynaa.”

Wasiir Samsam oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay, “Aqal yar ayaanu Wajaale ka dhisnay, laakiin waxay u baahan tahay Baahiyaha aasaasiga ah, hadday tahay biyaha, hadday tahay Caafimaad, waxaynu u baahan nahay inaynu innaguna isku tashanno.” ayay tidhi, waxayna intaas ku dartay oo ay u soo jeedisay reer Wajaale inay Abaaraha ka geystaan Gurmad badan, “Reer Wajaaloow waxa la idiinka baahan yahay inaad Gurmad badan ka samaysaan Abaaraha”

Wasiirku waxa kale oo u Mahad-celisay Dadka ka qayb-qaatay Dhismaha Guriga xadhigga laga jaray, “Waxaan u Mahad-naqayaa Guddoomiye ku-xigeenka Gabiley, Guddoomiyeyaasha Wajaale iyo Gabiley, Bahja oo ah Laf-dhabarta waxyaabahan oo dhan socodsiisay iyo Shirkadda dhistay Dhismahan Tayada leh.”ayay tidhi.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu waxay Taliyaha Ciidammada Asluubta Somaliland Gaashaanle Maxamed Xudhuun ka guddoontay dhul Haaf KM ah oo Ciidammada Asluubtu ku lahaayeen Degmada Wajaale, kaasi oo loogu talo-galay in Mustaqbalka dhow la dhigo alaabta Ganacsi ee laga soo raro Dekedda Magaalada Berbera ee Shirkadda DP World Maamulkeeda lagu wareejinayo.

Ugu dambayn, waxay Wasiirka Maaliyaddu kormeer ku soo martay Mashruuca Biyo-gelinta Wajaale ee ka socda degmada Kala-baydh, Jid Afar haad ah oo laga hirgeliyey Magaalada Gabiley iyo Garoonka Mo Faarax oo Dawladda hoose ee Gabiley ka waddo halkaasi.