Qisada Samayska Cuntada Corn Flakes: Cajiin Qudhmay Iyo Hal-Abuur Si Aan Ku Talagal Ahayn Ku Yimi (Q: 1)

0
1135

Washington (Geeska)- Qarnigii 18-naad dhaqaalaha Maraykan sidaas uma uu buurnayn, ilbaxnimada hadda jirtaana ma ay oolin, oo mar dambe ayaa ay kaga soo guurtay dhinaca Yurub. Qoysaska Maraykanka waxaa caado u ahaa in quraacdooda subaxdii ay ka dhigaan fuud ay ka saareen qamandida nooca heeda loo yaqaanno iyo cuntooyinkii cashadii habeennimo ka soo hadhay.

Markii horumarku soo kordhay, korna uu u kacay dhaqdhaqaaqii hijrada (Socdaalka) ee adduunku waxaa Maraykanka soo gaadhay caadooyinkii reer Yurub, isbedellada dhacayna waxaa ka mid ahaa in qaybo badan oo ka mid ah qoysaskii Maraykanku ay dib ugu noqdaan noocyada cunto ee ay subaxdii ku qoraacan jireen. Waxaa quraacdii ku soo korodhay cuntooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin hilib, beed, kimis iyo suugooyin (Maraq cas).

Markii qarnigii 19-naad la gaadhay, waxaa Maraykanka ku soo kordhay warshado soo saara noocyo cunto oo ay hilbuhu ka mid yihiin. Taas oo la aaminsan yahay in ay nafaqo iyo tamar u kordhisay shaqaalihii muruqmaalka ahaa, una suurtagelisay in ay u adkaystaan culayska shaqadooda maalinlaha ah.

Xaaladdaasi sidaas ayaa ay ahayd illaa ay laba nin oo walaalo ahaa ay keeneen hal-abuur gebi ahaanba xididdada u siibtay fahamkii hore ee ay quraacda ka haysteen dadka Maraykanka ah iyo guud ahaanba dadka adduunku.

John Harvey Kellogg oo ka mid ahaa dadka hormuudka u ahaa mad-habta diinta Kiristaanka ee Protestant gaar ahaan qaybga (Sabbatical) loo yaqaanno oo soo baxday qarnigii 19-naad. John oo aaminsanaa aragti ahayd wanaajinta nolosha aadamaha, kuna dhisnayd aragti ah nolol aan sigaar la nuugin, aan la isticmaalin cunto ama cabbitaan leh maadada Caffeine, maandooriye, dufan iyo sonkor. Iyo in dadka la baro in nidaam cunto oo ku dhisan dhirta, in ay biyo badan cabbaan, in ay jimicsi joogto ah sameeyaan, iyo in ay duugis ku sameeyaan jidhkooda.

Sida ay taariikhyahanno tiro badani sheegayaan sannadkii 1877 kii ayaa uu John Harvey Kellogg sameeyey cunto uu isagu hal-abuuray oo ah in uu isku dhex cajiimo daqiiq, boorash, dhuux ama dheecaanka xasiidda. Cajiinka cuntadaas uu isku daray ayaa uu isku kariyey, kaddibna inta uu qaabka buskudka u jarjaray, ayaa uu dib u burburiyey isaga oo aaminsan in ay tahay cunto u fudud in uu dheefshiidku dhaqso u burubriyo, isla markaana u fiican caafimaadka.

John Harvey Kellog oo garabsanaya walaalkii Will Keith Kellogg ayaa uu cuntadan u qaybin jiray dadka martida ku ah xarunta uu u sameeyey dhaqangelinta aragtida aynu soo xusnay ee uu nolosha cunto ee qofka ka aaminsan yahay.

Sannadkii 1894 kii oo ay labadan nin ee walaalaha ahi muddo shaqada ka yara maqnaayeen. Markii ay soo noqdeen waxa ay yimaaddeen hadhaa ka mid ah cuntadii ay samayn jireen oo weli madbakha taalla, laakiin inta ay is beddeshay noqotay khamiir, ingag, waxa ay go’aansadeen in aanay cuntadan daadin ee iyada laftigeeda ay dib u burburiyaan si ay uga sameeyaan cuntadii ay hore u samayn jireen, waxa se yaab ku noqotay markii dadkii ay siiyeen ay dhadhankeeda u soo dhoweeyeen si aanay u soo dhoweyn jirin markii hore. Arrintaasi waxa ay labadan nin ee walaalaha ahaa ku dhiirrigelisay in ay tijaabo ku sameeyaan noocyo kale oo cunto oo ay uga qiyaas qaadanayaan cuntadan la jeclaaday, aakhirkiina sannadkii 1898 kii ayaa isbedelladii ay ku samaynayeen cuntadii ay hal-abuureen ay ugu danbayn noqotay qaabka ay hadda tahay ee ‘Corn Flakes’ oo maanta ka mid ah cuntooyinka ugu caansan adduunka ee lagu quraacdo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here