Suldaan Cadagude Oo GEESKA AFRIKA Uga Warramay Kulan Uu La Yeeshay Kornayl Caarre, Iyo Halka Ay Marayaan Dadaallada Dhexdhexaadintu

0
469

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Cadagude, oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Kornayl Caare, ayaa sheegay in hawlaha dhexdhexaadintu ay hadda meel wanaagsan marayaan, kuna rajo weyn yahay inay guul iyo isfahan ku dhammaadan.

Guddoomiyaha oo wargeyska GEESKA AFRIKA  la hadlay kaddib kulan uu la yeeshay Kornayl Caarre, ayaa caddeeyey in uu jiro heshiis arrintan laga gaadhay, waxa aanu ballanqaaday in qodobbada heshiiskaas la soo bandhigi doono. “Imika meel wanaagsan bay wax marayaan, ILLAAHAY idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa inay wax walba khayr inoogu dhammaadaan” isaga oo intaayaa uu yidhi Suldaan Cadde-gude.

Dhinaca kalana, Madax-dhaameed ka tirsan beesha Garxajis oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Buuraha Gobolka Sanaag ee fadhiisinka u ah jabhadda ayaa kulamo la yeeshay Kornayl Caarre. Iyada oo shabakadaha wararku ay faafiyeen sawirrada madax-dhaqameedka ergada ah oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Kornayl Caarre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.