Facebook Oo Go’aansatay In Ay Magaca Ka Beddesho Whatsapp Ka Iyo Instegram Ka

0
1043

Washington (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa go’aan ku gaadhay in ay wax ka beddel ku samayso magacyada shirkadda WhatsApp iyo Instegram, iyo in ay magaciisa ku darto magaceeda. Taas oo qayb ka ah go’aan ay shirkaddu doonayso in ay kordhiso midaysnaanta barnaamijyada shirkadda oo marka hore mid kastaa si madax bannaan u samaysan yahay.

Facebook hore ayaa markii ay iibsatay WhatsApp iyo Instegram waxa ay ku dartay calaamado iyo adeegyo iyada u gaar ah, imikana waxa ay go’aansatay in ay dib ugu noqoto magacyada labadan adeeg ee caanka ah, iyada oo ku daraysa magaca shirkadda. Taas oo macnaheedu yahay in hadda kaddib Istagram magaciisa sharciga ahi noqon doono Instagram from Facebook, halka WhatsApp magaciisu uu noqon doono ‘WhatsApp from Facebook’

Sannadkii 2012 kii ayaa ay shirkadda Facebook iibsatay barnaamijka Instagram, halka ay sannadkii 2014 kana iibsatay barnaamijka WhatsApp, laakiin dhibaatada ay imika ogaatay ayaa ah in dadka isticmaala labadan barnaamij ee caanka ahi aanu badankoodu ogeyn in labada barnamaij ay leedahay shirkadda Facebook oo laga yaabo in ay iyadana gaarkeeda u isticmaalaan. Sababtaas ayaana shirkadda Facebook ku kalliftay in ay dadka isticmaalo u caddayso in labadan adeeg ay ka mid yihiin shirkadda weyn ee Facebook oo uu iska leeyahay Mark Zuckerberg.

Isbeddelka lagu sameeyey magaca WhatsApp iyo Istagram ayaanay qudhiisa dad badani weli ku baraarugin marka laga reebo dadka arkay magaca oo qaabkan cusub ugu soo muuqanaya. Waxa aanay shirkaddu go’aansatay in isbeddelkaasi noqdo mid tallaabo-tallaabo u imanaya oo tusaale ahaan magaca cusub lagu isticmaalayo qaybaha dambe ee nuqullada (Versions) ka Android iyo iOS.

Dhinaca kalana tallaabadani waxa ay saamayn muhiim ah ku yeelanaysaa qaabka maamul ee shirkadda, maadaama oo hore shirkadda Facebook labadan adeeg ugu aqoonsanayd kuwo maamul ahaan iyo nidaam ahaan madax bannaan, isla markaana leh maamuleyaal uu mid kastaa gaarkiisa u leeyahay.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey soo xoogaysanayey codad dalka Maraykanka dhexdiisa kaga doodaya in shirkadda Facebook lagu qaado xeerka kootaysiga ganacsiga ee uu sharciga dalkaasi mamnuuca ka dhigay. iyaga oo arrintaas sabab uga dhigaya in shirkaddu ay isku koobsatay adeegyadii ugu muhiimsanaa uguna waaweynaa baraha bulshadu ku xidhiidho, kuwasa oo ah Facebook, WhatsApp iyo Instagram.

Tallaabadan ay shirkaddu magaceeda asalka ah ku raacinayso barnaamijyadeeda oo dhan, waxa kale oo la waafajiyey adeegga “Workplace” oo ah adeeg ay shirkaddu ugu talagashay in dadka goob shaqo oo ballaadhan wada joogaa ay ku wadaagaan aragtiyaha iyo xogta, taas oo haddii si kale loo dhiga ah Facebook ay dad is doorrtay oo keliyi ku jiraan. Waxa aanay hadda kaddib u bixisay “Workplace by Facebook”

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ujeedada Faceboo ay tahay in ay caddayso adeegyada iyo barnaamijyada qaybta ka ah Facebook.

Waxaa iyaguna jiro warbixinno maalmihii u dambeeyey soo baxaya oo sheegaya in shirkadda Facebook ay doonayso in marka la gaadho 2020-ka ay mid keliya iskaga dhigto dhammaan adeegyadeeda farriimaha la isugu diro ee WhatsApp, Istagram iyo Facebook Messenger. Laakiin arrintaas weli shirkaddu ma’ay xaqiijin, mana ay diidin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here