Qisada Sababta Qabashadii Dilka Foosha Xun Ku Dhammaatay Ee Ninkii Madowga Ahaa Ee Maraykanka

0
1838

Cup foods waa macdaar caan ah oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, waxa iska leh walaalo Falastiiniyiin ah oo uu aasaasay aabahood oo sannadkii 1978 kii ka guuray dhulka Falastiiniyiinta. Inkasta oo uu dukaankani caan yahay, haddana waxa uu magaciisu caalami noqotay intii ka dambaysay markii meel aan ka fogeyn kabaddi afaafkiisa lagu dilay George Floyds. Gaar ahaan markii ay soo baxday in meheraddani ay lahayd sababta qabashadii dhimashada ku dhammaatay ee Floyds.

Qisadani waxa ay dhacday maalin Isniin ah oo ay 25 ahayd bishii Meey 2020 ka. George Flyods ayaa yimi meheraddan oo alaabooyin ka iibsaday, kaddibna waxa uu bixiyey 20 doolar, laakiin ‘Lacag-qabtihii’ meheradda ayaa ogaaday in lacagta uu George Floyds bixiyey ay been abuur tahay, waxa aanu isla markiiba la hadlay bilayska oo u soo diray afar askari.

Askartii waxa ay qabatay Floyds oo sida uu mulkiilaha meheraddu sheegay, kamaradaha amnigana laga arkay aan wax wax-iska-caabbin ah kala hor iman. Laakiin hab macaamilkaas fiicani naftiisa ma’ uu badbaadin, kaddib markii mid askarta ka mid ah oo lagu magacaabo Derek Chauvin uu dhulka beerka u fiijiyey kaddibna jilibka raqabadda ka saaray, xoogna hoos ugu cadaadiyey.

Muddo siddeed daqiiqo ah ayaa uu askarigani jilibka ku xejinayey raqabadda George Floyds oo cod la dareemayo in neeftu hayso ku baryayey in uu ka dabciyo, maadaama oo uu neefsigu ku adagyahay. Derek iyo askarta kale ee la socotay midkoodna dheg jalaq uma siinin, sidii ayaanu ugu dambayntii ku geeriyooday.

Maxamuud Abu Mayaala oo ah masuulka meheradda ayaa warbaahinta u sheegay in uu aaminsan yahay in George Floyds aanu ogeyn lacagtaas been abuurka ah ee uu sitay. Waxa uu sheegay in haddii George uu ku talagalay in uu lacag been abuur ah wax ku iibsado in aanu dukaankan Cub Foods yimaaddeen, maadaama oo uu macmiil ka ahaa shaqaalahana ay is garanayeen.

Dhinaca kalana Maxamuud waxa uu saraakiisha kale ee bilayska ah ee la socday ninka dilay George Floyds ku canaantay in aanay soo faragelin sidii ay saaxiibkooda uga joojin lahaayeen dilka Floyds. “Marka bilayska loo yeedhay ma’ uu jirin wax dembi ah oo la galay. Sida caadiga ah waxaa laga filayey in ay macmiilka weydiiyaan halka uu lacagta been abuurka ah ka keenay. Waxa dhacay wax uu ahaa wax aan la filayn oo masiibo ku dhammaatay” ayaa uu yidhi.

Abu Mayaala waxa uu sheegay in intii dilkaas ka dambaysay ay isaga iyo qoyskiisuba hanjabaado kala duwan la kulmeen, waxa se uu sheegay in uu dareemi karo sababta cadhadan keentay. Isaga oo rajeeyey in gadoodkaas dadweynuhu uu horseedo in la saxo qaladaadak dhinaca ammaanka ah ee jira.

Maxamuud abu Mayaala waxa uu ballanqaaday in uu bixiyo kharashka ku baxaya aaska iyo hawlaha tacsida ee George Floyds si uu qoyska ula qaybsado dareenka murugada leh.

Cadhada guud ee ka dhalatay dilka uu sarkaalkani u geystay Floyds waxa ay gaadhay in xaaskiisu ay dalbato furniin, iyada oo ka xun tallaabada bani’aadamnimada ka baxsan ee uu ku kacay. Waxa aanay tacsi u dirtay qoyska, saaxiibbada iyo guud ahaan dadka uu ka baxay Floyds. Dhimashada George Floyds waxaa ka dhashay cadho xooggan oo sababtay dibadbaxyo ku faafay goballo badan oo Maraykanka ka mid ah, taas oo sababtay in goballada qaar ciidamada milateriga la geeyo iyo in bandoo lagu soo rogo.