Cabdilaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Aragtidiisa La Xidhiidha Wada-Hadalada Somaliland & Soomaaliya

0
554

Hargeysa (Geeska)- Siyaasi Cabdilaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi  Jawaan),  ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inuu Madaxweyne Muuse Biixi soo jeediyey khudbad taariikhiya oo wax badan iftimiisay.

Siyaasi Cabdilaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi -jawaan), ayaa sidoo kale ka hadlay khudbaddii uu Farmaajo soo jeediyey iyo hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Puntland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad u qiimo badan, gaar ahaan dhanka Somaliland, gaar ahaan siday u diyaar-garoobeen weftigeenii balaadhanaa ee uu hoggaaminaayey Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Fadaralka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, sida loo abaabulay wuxuu ahaa si heer sare ah, waxaana qaban-qaabada ka dambeeyey Dawladaha Itoobiya iyo Maraykanka, Madaxweynaha Jabuutina gogosha ayuu fidiyey, Adduunkuna aad buu u eegayey, dhanka Somaliland si heer sare ah ayay diyaar u ahaayeen, waxay sii diyaarsadeen waxay ku garnaqsanayeen, oo taariikhiyan bilaw ilaa wakhtigan ayeynu joogno ayey ka soo bilaabeen, oo Afrika markii la qaybsaday ee umadda Soomaaliyeed shanta qaybood loo qaybiyey, shantaas oo kala ah Jabuuti oo Faransiisku la wareegay, Somaliland oo Ingiriisku la wareegay, Soomaaliya oo Talyaanigu la wareegay, Soomaalida Kenya, oo markii dambena loo bixiyey NFD, haddana loo yaqaano Waqooyi-bari Kenya, iyo Soomaalida Itoobiya, markaas wixii ay Somaliland lixdankii u tagtay Soomaaliya waxay ahayd in la mideeyo shanta Soomaaliyeed, waxaana Somaliland dadkeeda sii dedejiyey inay Muqdisho u tagaan shuruud la’aan waxay ahayd dhulkii Soomaalida ee 1954 lagu wareejiyey Itoobiya, runtii khudbaddaasi waxaa kale oo ku jiray sidii loo qadiyey Somaliland iyo sidii ay Dawladdii rayidka uu Milatari u inqilaabay, iyo sidii uu Siyaad Barre dadka uu ku bilaabay dabar-goyn, iyo in dadka la tirtiro, runtii waxay ahayd taariikh iyo warbixin mug weyn, waxay wax weyn ka beddeshay fikirkii laga haystay Somaliland, iyo wixii meesha laga filayey, waxaana leeyahay labada dhinaca iskumay dhawayn, Somaliland waxay la shir tagtay mawqif waafiya, warbixin waafiya, talo tagan, iyo wixii ay rabeen inay ku doodeen, oo walibana waddadii mareen, waana markii koowaad ee ay Somaliland sharaftaas oo kale ku soo bandhigto Gole, Madaxweyne Muuse Biixi si geesinimo leh ayuu u soo bandhigay khudbadda”.

Mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Dhinaca kale ee Soomaaliya hadaan eego way yimaaddeen, waxay ahaayeen laba wefti oo isku dhigma, waxay la shir yimaaddeen erayadii caadifaada ahaa, walaalo ayaanu nahay, isku mid baynu nahay, Farmaajo wuxuu yidhi anigoon dhaliilayn 30 sanno waxaynu ku jirnay waxaan hagaagsanayn, 30 sano ee dambena waynu baaba’nay Adduunkana innagaa ugu liidana, ubadkeenu waa ubadka ugu xun, dadkeenu waa dadka ugu xun, wuxuu ka qaatay qiyaasta meesha uu ka yimid ee Muqdisho, Somaliland kumuu soo darin xisaabta, 30 sanno Somaliland waxay heshay xornimo, waxay samaysay Dawlad, Dimuqraadiyad, wixii lagu qiimayn jiray dawlad iyo dal ayey samaysay kamuu hadal ee wuxuu ka hadlay Xamar wixii ka dhacay iyo wixii ka taagnaa”.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay inuu Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisu in aanay Farmaajo u quudhayn in uu matalo Puntland iyo deegaankiisa, waxaanu ku sheegay in fikirkaasi uu yahay fikir khaldan waxaanu xusay in Somaliland iyo Puntland aanay dal iyo dad toona isku ahayn, waxaanu sheegay inay Somaliland qaranimo ku xisaabtamayso.