Madaxweyne Donald Trump Waxa Uu Moodayey In Cudurka AIDS Ka Tallaal Loo Helay

0
541

Madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa ammaanay saynisyahannada ku hawlan soo saarista tallaalka xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Fayraska Corona. Laakiin hadalkiisaasi waxa uu dadweynaha ka dhex abuuray muran iyo sheekooyin xiise badan, kaddib markii uu sheegay in saynisyahannada ku hawlan tallaalkani ay yihiin isla kuwii hore u soo saaray tallaaka cudurka AIDS iyada oo la ogyahay in aan xanuunkaas weli dawo loo haynin.

Madaxweyne Trump oo warbaahinta la hadlayey ayaa saadaaliyey in tallaalka COVID-19 uu soo bixi doono dabayaaqada sannadkan aynu ku jirno ee 2020 ka, waxa aanu rajeeyey in tallaalkaas ama dawadaasi ay noqon doonto dawo waxtar leh. “Horumar aad u weyn ayaa aanu ka samaynay, aniga ayaa si toos ah oo adag ula macaamila saynisyahannada iyo dhakhaatiirta wanaagsan” ayaa uu yidhi mudane Trump oo dadweynaha u sheegaya muhiimadda uu dawadan siinayo awgeed in uu si toos ah oo dhow uga warhayo geeddi socodka samayskeeda. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Aad baan maskaxdooda u xurmaynayaa, wax badan ayaa ay hal-abuureen, dawooyin tiro badan ayaa ay hore u soo sameeyeen” Si kastaba ha ahaato ee xilligan oo doorashooyin madaxweyne ku soo fool leeyihiin Maraykanka, hadalladan uu madaxweyne Trump ku sheegayey halka ay marayso hawsha soosaarista dawadan la wada dhawrayo, waxaa dalab u yeelay muhiimaddii la siinayeyna leexiyey murannada iyo doodaha kaftanka iyo dacaayadaha u badan ee ka dhashay hadallada uu intaas ku sii daray, “Hore ayaa ay u soo ikhtiraaceen tallaalka AIDS” Madaxweyne Trump marka uu ereyadan yidhi cabbaar ayaa uu hadalka hakiyey isaga oo sida ay dadka qaar u fahmeen dareemay in uu qalad galay, xasuustayna in aanay weli adduunyadu ku guulaysan tallaal AIDS ka lagula tacaalo. Laakiin mar kale ayaa uu hadalkii sii ambaqaaday, “Ama aIDS ka, sida aad ogtihiin waxaa jira waxyaabo badan .. imikana waxaa jira shirkado badan, oo ka qaybqaadanaya dawooyinka AIDS ka. AIDS ku waxa uu ahaan jiray sida xukunka dilka ah, laakiin maanta dadku waa ay la noolaadaan, dawada loo hayo awgeed”

Hadalladan dambe ee Donald Trump oo u muuqday in uu ku saxayo qaladka hore ayaa iyaguna sii kordhiyey doodda, maadaama oo qaabka uu u ereyeeyey ahaa mid aan madowga ka saaran qaladkiisa hore.