Qisada Reer Tuule Sixiroole Ku Qaaday Xukun Yaab Leh

0
577

3Abuja (Geeska)- Nin sixirka iyo faalka ku shaqaysan jiray ayaa dadka ku nool tuule ku yaalla dalka Nigeria ayaa qabtay oo ciqaab xanuun badan mariyey nin ay ku eedeeyeen in uu yahay sixiroole.

Dadkan oo sheegay in ay ninkan qabteen xilli uu qodayey godad ay sheegeen in uu sixir ugu aasayey dad ay is hayaan, ayaa si aad u fool xun u garacay, kadibna inta ay dharka ka wada bixiyeen isaga oo aawan ku qaaday Kaariyoon kuna soo wareejiyey dhammaan tuulaha si ay dadka oo dhan ugu dhex fadeexadeeyaan.

Sixiroolahan oo lagu magacaabo Qaboon Eyika oo u dhashay koonfurta dalka Nigeria ayaa la sheegay in aan maxkmad la geyn ee ay dadkani sidooda uga aargoosteen ninkan ay suuqa wareejiyeen isaga oo hareer jooga guriga nin siyaasi ah oo lagu magacaabo Marsiil Maarli, gacantana ku sita guntimo la sheegay in ay yihiin sixir uu aasayey.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in ninkan Qboo Eyika markii la qabtay ee la weydiiyey sababta uu walxahan ugu aasayey guriga ninkan dhinaciisa, in uu ku andacooday in uu amar ka helay awood sare, oo uu sheegay in ay sidan fartay. Isaga oo si badheedh ah isu difaacayana waxa uu yidhi, “Waxaaan amar ka helay ruuxda daahirka ah, oo igu amartay in aan waajibkan fuliyo” isaga oo ku celceliyey in amarkaas awgeed aanu u furnayn jid aan ahayn in uu yeelo.

Siyaasigan la sheegay in uu sixirooluhu daba socday ayaa lagu tilmaamay nin samofalka ku fiican oo deegaankiisa aad looga jecel yahay. Labadii sano ee u dambeeyeyna qabay bukaan aan la garan loona maaro helin oo cuntada ka xidhay.