Noole Hawada-sare Ku Sugan Oo Isku Dayaya In Uu La Soo Xidhiidho Dhulka

0
774

1Washington (Geeska)- Masaafad dhulka u jirta qiyaas 3 Bilyan oo sano uu ilayska qorraxdu u socon kari lahaa ayaa waxaa in uu innagala soo xidhiidho raadinaya xiddig, sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo qoray sheekadan yaabka leh ee uu Geeska Afrika akhriyey. Waxa la arkay 6 fallaadho dabeed oo ka mid ah hirar aan xadhig raacayn oo cimroodu aau ka badnayn ilbidhiqsiyo goballo yaryar loo jejebiyey.

In kasta oo aan si sax ah loo xaqiijin halka ay hirarkani ka imanayaan, haddana waxaa jira saynisyahanno ku doodya in ay tahay arrin calaamad u noqon karta in ay jiraan makhluuq hawada sare ku dhqan oo aynaan aqoon oo doonaya in uu noolaha meeraha dhulka ku nool xidhiidh la sameeyo.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda McGill ee magaalada Montreal eedalka Kanada ayaa arkay hirarkan dhulka ku soo jihaysan kadib mrkii ay adeegsadeen weynaysada (Teleskoobka) dunida ugu weyn ee lagu magacaabo ‘Green Bank’ oo yaalla gobalka galbeedka Virginia.

Mar hore oo sidan oo kale loo arkay hirar ka yimid meerayaal ka baxsan dhulka oo dhinaca dhulka u soo jihaysan waxa ay culimada  cilmiga xiddigu dalbadeen in si cilmiya dabagal loogu sameeyo si loo xaqiijiyo in ay hirarkani yihiin dhambaallo ka yimid hawada sare. Laakiin illaa hadda ma cadda in khubaradan ka socotay jaamacadda McGill ee daraasaddan samaysay ay iyaguna sidaas oo kale dalban doonaan in baadhitaan dheeraad ah lagu hubiyo ish ay k imanayaan hirarkani.

Saynisyahanka caanka ah ee Stephen Hawking ayaa isaguna dhinaca xaqiijyey in. “Haddii uu aadamuhu si uun isugu dayo in uu la xidhiidho noolaha hwada sare ku dhaqan ee la sheego, gaar ahaan kowooda garaadka badan, in ay taasi arrin aad u khatar ah keeni karto, waa haddii ay marka hore jiraan noole sidan aynu soo sheegnay ahi ee”

Stephen Hawking waxa uu aaminsan yahay haddii la helo noolahaas la sheegayo ee hawada sare ku dhaqan, waxa ay u dhowdahay in uu iyagana ku beermo xiise ay u qabaan in ay innaga xoogaan meeraheenna (Dhulka) oo ay ku soo qaaadaan dullaan ay kula wareegayaan.

Saynisyahankan naafada ah ee dunida cilmiga aad uga caan baxay ayaa isaga oo sii wada hadalkiisan waxa uu intaas ku sii daray, “Haddii noolahaas aan la garanayn ee la sheegayaa ay isku dayaan in ay dhulka inoogu yimaaddaan, natiijadu waxa ay aad ugu ekaan doontaa wixii dhacay markii Bad-mareenkii weynaa ee Maraykanka Christopher Columbus ee helay qaaradda Ameerika oo sida yanu ognahay deegaamayntii iyo isu-socodkii Ameerika ee furmay aanu dan u noqon dadkii asalka dhulka lahaa ee aakhirkii lagaga awood batay.