Ereyada Yaabka Leh Ee Donald Trump Uu Sannadka Cusub Ugu Hambalyeeyey Cadowgiisa

0
619

1Washington (Geeska)- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo ah shakhsiyad tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray iyo ka horba muran badan abuuri jirtay, ayaa mar kale ereyo xiise gaar ah sameeyey ku dhex daray ereyada uu sannadka cusub ugu hambalyeynayo dadkiisa.

Donald Trump oo lagu tilmaamo in aan waxba qarsan aqoon ayaa jebiyey diblumaasiyaddii iyo nidaamkii anshaxa u ahaa madaxda Maraykanka iyo xitaa dunida kale oo dhan, waxaa aau dib u soo celiyey doodihii lagu yaqaannay in ay hadalladiisa ka dhashaan, kadib markii uu sabtidii shalay boggiisa bar-kulanka bulsho ee Twitter ka ku baahiyey ereyadan, uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya, “Dadka oo dhan waxa aan u rajaynayaa sannad farxad leh, xitaa cadowgayga tirada badan ee ila dagaalamay, ee uu ku dhacay jabka aadka u foosha xun ee gaadhsiiyey heer ay garan kari waayaan waxa ay falayaan” waxa se uu ku soo xidhay ereyga, “Jacayl”.

Hadalka Trump oo ku soo beegmaya saddex toddobaad ka hor marka uu xilka madaxweynenimo ee Maraykanka 20ka Jeenaweri 2017 kala wareegi doono madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee imika Barak Obama.

Dalka Maraykanka ayaa aan weli ka soo kaban qaybsanaantii ka dhalatay olo’lihii kululaa ee dhex maray madaxweynaha la doortay ee Trump iyo haweenaydii u tartamaysay xisbiga dimuqraaddiga ee Hilary Clinton.