Qisada Mid Ka Mid Ah Shaqaalihii Diyaaraddii Ruushka Ee Burburtay Oo Toddobaad Ka Hor Shilka Shaqada Ka Tegey Kadib Markii Uu Aabihii Ku Riyooday Masiibadan

0
509

Picture6Moscow (Geeska)- Hal toddobaad ka hor burburkii diyaaraddii sabtidii hore ku burburtay saxaraha Siinaay ee dalka Masar, ayaa mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda saarnaa uu iska casilay shaqada oo uu soo waday laba sano iyo badh, tegista hore cidiba ma’ ogaan, laakiin waxaa shaki badan abuuray aamuskiisa aanu ka hadal geerida foosha xun ee ku timid asxaabtii ay diyaaradda ka wada shaqaynayeen oo weliba ah kuwii uu qorshuhu ahaa in ay isu soo raacaan duulimaadkan Masar haddii aanu xilka ka tegi lahayn.

36 saac markii ay ka soo wareegeen shilkan ayaa ninkan oo lagu magacaabo Oleg Ermakov waxa uu Talefishanka NTV ee dalka Ruushka uga sheekeeyey qiso aad u yaab badan oo la xidhiidha is-casilaaddiisa.

Aabihii riyadiisu ay wiilkiisa ka badbaadisay shilkii diyaaradda:

Oleg Yermakov waxa uu sheegay in aabihii uu ku qasbay in uu shaqadan iskaga tago, in badan oo uu ka warwareegay kadibna uu aakhirkii maqlay oo sidaa uu kaga tegey shaqadii diyaaraddan oo uu in badan ku safray shaqaalaheedana si fiican u wada garanayey. “Waxa aan ku qornaa in aan Sharm Sheekh tago, isla maalintaasna haddana aan diyaaradda la soo noqdo, laakiin aabahay ayaa arkay riyo ka digaysa masiibo u eeg tan hadda dhacday. Waxa uu ii sheegay in uu ku riyooday diyaaraddan aan ka shaqaynayey oo burburtay, sidaa awgeed waxa uu ku adkaystay in aan iskaga tago shaqada” Kadib Oleg Yermakov oo 24 jir ahi waxa uu aakhirkii aqbalay go’aanka aabihii, waxa aanu shirkadda u gudbiyey is-casilaad aanu sheegin sababteeda runta ah balse ku soo koobay dano shakhsi ah, shirkaddii diyaaradda lahayd ee Kogalymavia iyaduna markiiba waa ay ka aqbashay.

Burburkan diyaaraddan oo illaa hadda aan sababtiisa si rasmi ah loo caddayn waxaa ku dhintay 217 rakaab ah, oo isugu jira 25 carruur ah, 130 dumar ah iyo 62 nin, dadkaas oo marka laga reebo Hal qof oo u dhashay dalka Belarus iyo afar u dhashay dalka Ukraine inta soo hadhay ay dhammaantood ahaayeen Ruush.

Ururka Daacish ayaa sheegtay in uu isagu soo riday diyaaraddaas, dalka Maraykanku waxa uu sheegay in uu arkay wax ololaya oo diyaaraddaas qaraxeeda ka hor dhulka ka baxay, taasina muujinayso shaki ah in dhulka laga weeraray, laakiin dowladaha Ruushka iyo Masar ayaa ku adkaysanaya in aanu illaa hadda jirin wax muujinaya in diyaaradda la soo riday. Si kastaba ha ahaato ee shilkan kadib duulimaadyada dunida ugu waaweyn ayaa deegaanka Siinaay u aqoonsaday dhul colaadeed oo aanay diyaaraduhu dul haadi karin.