Geeska Afrika Oo Xoggo Dheeraad Ah Ka Helay Kulan Xaasaasi Ah Oo Dhex Maray Weftigii Ingiriiska Iyo Xirsi & Maxamed Biixi

0
523

Hargeysa(Geeska)-Laba xubnood oo ka socda dawladda Ingiriiska, gaar ahaan safaaradda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo diblomaasiyad kale oo qaabilsan xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland,  ayaa kulan la yeeshay wasiiradii hore ee madaxtooyada iyo arrimaha dibadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen in masuuliyiinta Ingiriiska ka socday ay labadan masuul kala sheekaysteen xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay shirka golaha dhexe ee KULMIYE. Warku wuxuu sheegay in diblomaasiyiinta Ingiriiska ahi ay labadan wasiir ee hore wax ka weydiiyeen arrimaha keenay is casilaadooda iyo siday u arkaan xiisadda ka taagan KULMIYE. Ilahan xogogaalka ahi siday Geeska Afrika u sheegeen, waxay labada wasiir weftiga Ingiriiska ah u sheegeen inay is casilaadooda keentay ka dib markii ay Madaxweyne Siilaanyo ku kala aragti noqdeen arrinta murashaxa KULMIYE, waxaanay sheegeen inay go’aansadeen inay iska casilaan nidaamka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mar haddii ay madaxweynihii kala aragti noqdeen si aanu khilaaf siyaasadeed xukuumadda dhexdeeda uga dhicin.

Wasiiradani waxa kale oo ay weftiga Ingiriisku soo diray u sheegeen inaanay u muuqan wax xal ah oo ay sida ay sheegeen doonayaan garabka kale ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanay xuseen inay qaateen go’aanka ah inaanay ka qayb gelin shirka golaha dhexe ee KULMIYE mar haddii sida ay sheegeen ay arkeen madmadow badan oo ku dhex jira liiska golaha dhexe ee KULMIYE.

Wararka aanu helnay waxay sheegeen in xubnahan Ingiriiska ahi ay danaynayeen in khilaafka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE ee ku saabsan shirka golaha dhexe xal loo helo si aanu u wiiqin horumarka Somaliland. Labadan diblomaasi ayaa la sheegay inay aad isu dhawrayeen maadaama oo ay dareensanyihiin xaasaasiyada ka dhalatay khilaafka KULMIYE.

Warku wuxuu sheegay inay labadan diblomaasi sidoo kale la kulmeen xukuumadda Somaliland islamarkaana ay kala sheekaysteen xiisadahan siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo sida xal loogu heli karo.