Qof Kastaa Wax Ma Hoggaamin Karo, Maamule Kastaana Hoggaamiye Ma Noqon Karo (Qaybta: 2aad)

0
837

Hargeysa (Geeska)- “Waa maxay talada ugu habboon ee aad siin lahayd qof jago hoggaamineed u socda, laakiin markii ugu horreysay ay tahay? Waa qaybtii Labaad ee qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee uu Maxine Mann oo madax ka ah shirkadda Teknion ee dalka Maraykanku kaga jawaabay su’aashan.

t. Faham awoodda ereyadaada: Hadallada aad tidhi ka hor intii aanad hoggaamiyaha noqon, oo xitaa ay ku jiraan kuwa aad tidhi muddo dheer ka hor, marka aad hoggaamiye noqoto ayaa dib loo eegayaa oo loo fiirsanayaa, macnayaasha ku jiri kara oo dhan la dhadhansanayaa lana lafagurayaa. Sidaa awgeed, iyada oo ay mar kasta fiican tahay in qofku uu ka fiirsado hadallada uu odhanayo, kuna dadaalo in uu yeesho mabda’ sugan iyo aragti mabaadii’ adag ku salaysan, haddana marka uu yahay qof hammi madaxnimo ku jiro waa ay ka sii adag tahay xaaladdu, oo waxaa si gaar ah waajib ugu ah in uu iska ilaaliyo in hadalladiisu aanay noqon kuwo cid aanu ugu talogelin dhaawaca, dadka colaad u geliya ama hadhow noqda rasaas isaga lagula soo noqdo oo lagu dilo. Faallada iyo aragtida aad bixinaysaa ha noqdaan kuwo miisaan leh oo u qalma in qof xushmaddii hoggaamiyenimo huwani uu ku hadlo.

j. Dhegeyste fiican noqo: Shirarka iyo guud ahaan kulamada kala duwan marka aad ka qayb qaadanayso, waa in aad qof kasta oo aragtidiisa dhiibanaya u muujisaa in aad dulqaad ku dhegeysan karto. Ku dadaal in aad su’aalo  cilmiyeysan ka weydiiso waxa uu leeyahay. Midka ugu muhiimsanina waa in aad ogaato in aanad adigu wax kasta wakiil ka ahayn, masalo kastana ka jawaabi karin, darajo kasta oo aqoontaada, waayo-aragnimadaada ama mansabkaagu joogo.

Halkii aad go’aamadaada ku salayn lahayd warka iyo warbixinaha gacanta labaad kugu soo gaadhaya, waxaa muhiim ah in aad yeelato awoodda aad adigu ku dhegeysan karto dadka ay arrintu khusayso. Waana calaamadda lagu yaqaanno dadka hoggaamiyaha noqonaya.

x. Aamin dadka aad wada shaqaynaysaan: Xaqiiqooyinka inta badan aanu qofku ogaanin illaa uu hoggaamiye dhaba noqdaa waa in ay adag tahay in uu kelidii hawsha oo dhan qabto. Xitaa haddii aad tahay ruux mucjiso ah oo karti iyo halwakarnimo aanay cidi ku gaadhi karin, haddana waxa aad ogaataa in haddii aad doonto in wax kasta aad adigu qabato in aad guul darraysanayso. In aad kooxda kula shaqaynaysa (Jaalkaaga) si fiican u doorato, awooddooda iyo aqoontooda shaqo dhisto, kalsooni u muujiso iyagana kalsooni ku beerato waxaa hubaal ah in ay fikirado badan oo aad hayso u beddeli karaan ficil run ah oo guulaysta. Haddii aad noqoto ruux shaqo-wadareedda yaqaanna oo iskaashi la samayn kara jaalkiisa waxa aad heli doontaa waqti fiican oo aad shaqada hoose ee fulinta ah uga gudubto rumaynta hiigsiga iyo hirgelinta himilooyinka guud ah iyo sidoo kale dejinta qorshayaasha iyo tallaabooyinka xiga hadba kuwa aad gacanta ku hayso.

Kh. Hadda kadib sheekadu kelidaa kuuma taallo: Marka aad hoggaamiye noqoto, xidhiidhkii iyo xog isdhaafsigii adiga iyo dadka aad wada shaqaysaan idiin dhexeeyey waa uu dhammaaday. In aad weydiiso dareenkooda shaqada ku aaddan, ama sida ay shaqadu u socoto iyo tabashadoodu waa sheeko dhammaatay.

Haddii aad doonayso in aad noqoto hoggaamiye guulaysta, waxa aad ku qasban tahay in aad diiradda saarto, tababaridda iyo tusaalaynta, iyo horumarinta ama dhisidda kartida shaqaalaha oo keliya.

In kasta oo hoggaamintu ay iska xujo iyo taakooyin badan tahay, haddana waa shaqooyinka ugu xiisaha badan ee la qabto. Waxa aad fursad u helaysaa in aad la shaqayso dad garaad badan oo haddii wada shaqayn fiican aad la yeelato wax badan oo horumar ah kugu kordhinaya. Laakiin waxaa muhiim ah in qofku aanu ka boodin jaranjarrada ka horreysa gaadhista hoggaamiyenimada. Dhammaad