Qisada Is Dhiibistii Dalka Jabbaan Iyo Wasiirkii Gunnimada Diiday Ee Isaga Oo Nool Jidhkiisa Jarjaray

0
921

Tokyo (Geeska)- Dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka markii la jebiyey Jarmalka, ayaa hoggaamiyeyaasha saddexdii dawladood ee ugu muhiimsanaa xulafadu, waxa ay yeesheen kulan maalmo qaatay oo ay isugu yimaaddeen magaalada Potsdam ee duleedka Berlin.

Kulankan oo socday intii u dhexeysay 17 Julaay illaa 2-dii Ogosto ee 1945 kii, masuuliyiintani waxyaabaha ay ka wada xaajoodeen waxaa ka mid ahaa, xaaladaha ka dhashay dagaalkan, iyo saamaynta ay colaaddan caalamiga ahi ku yeelan karto xidhiidhada adduunka. Waxa kale oo ay wax iska weydiiyeen sida ugu fiican ee ay uga wada tashan karaan in adduunku uu noqdo. Waxa kale oo ay ka wada hadleen sida ay doonayaan in jabkii kaddib dalka Jarmalka loo maamulo, iyo guud ahaan sida loo waajahayo khilaaaadka caalamiga ah, iyada oo mar kasta la dhowrayo isu dheelltirnaanta awoodaha adduunka.

Bishii Julaay ee 1945 kii ayaa masuuliyiintii shirkan joogay ay soo saareen digniin kama dambays ah oo ay dalka Jabbaan kaga doonayana in uu saaxadda siyaasadeed iyo milateri ee adduunka kaga baxo; dalabaadka quwadaha guulaystay waxaa ka mid ahaa:

  1. In dawladda Jabbaan ay si bilaa shuruud ah isu dhiibto. Isla markaana joojiso dhammana hawlgallada dagaal.
  2. In dawladda Jabbaan ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadka quwadaha guulaystay ee shirkan ka qaybgalayey.
  3. In xilka iyo awoodda laga fogeeyo qaar ka mid ah taliyeyaashii sare ee ciidamada Jabbaan oo ay dawladaha guulaystay ku eedaynayeen in ay sabab u ahaayeen in Jabbaan uu dagaalka galo.
  4. In Maxkamado milateri la soo taago dhammaan ciidamadii iyo saraakiishii Jabbaan ee lagu tuhmay in intii dagaalku socday ay ku kaceen xad gudubyo iyo dembiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.
  5. In xulafada guulaysatay ay maamusho qaybo ka mid ah dhulka Jabbaan.
  6. In dhammaan ciidamada dalka Jabbaan hubka laga dhigo, kaddibna la kala diro, si aanu dalkaasi wax ciidan ah u yeelan. Iyaga oo dhinacoodana ballanqaaday in haddii Jabbaan ay shardigaas fuliso ay iyaguna dammaanad qaadayaan in ay dadka Jabbaan nabadgalaan.
  7. In Dalka Jabbaan uu qaato nidaam dawladeed o odimuqraaddi ah, xooggana la saaro xorriyadda hadalka, rayiga iyo aaminsanaanta ee dadka Jabbaan.

Xulafadu waxa ay dalka Jabbaan uga digeen haddii aanu shuruudahan fulin, oo uu diido in uu isdhiibo in ay gaadhsiin doonaan burburaan noociisa hore loo arag.

Shuruudahani waxa ay buuq iyo khilaaf weyn ka dhex dhaliyeen madaxdii iyo dadweynihii Jabbaan oo u qaybsamay kuwo garawsaday xaqiiqada hortaalla ee ah in dalwadaha warkan soo saaray ay wax kasta ka yeeli karaan Jabbaan iyo kuwo ku mintidsan in gobonnimo lagu dhinto. Rayslawasaarihii Jabbaan ayaa markii dambe qaatay go’aan ah in uu warka soo gaabiyo, laakiin ceebta dhacday waxa ay ahayd in khudbadda uu jeediyey raysalwasaaruhu ay ahayd mid aan si farshaxan ah u diyaarsanayn oo sababtay in dalka Maraykanka iyo dalal kalaba ay qalad ka fahmaan, una qaataan in uu diiddan yahay shuruuddii ka soo baxday xulafada.

Hadalka raysalwasaare Kantaro Suzuki oo markii dambe la ogaaday in ay ujeedadiisu ahayd in uu aqbalo dalabaadka dawladaha guulaystay, ayaa uu Maraykan u fahmay in uu ku madax adaygay, waxa aanu qaatay tallaabadii xigtay oo ah in uu fuliyo hanjabaaddii ku xusnayd go’aamada hore. Waana markaas marka uu Maraykanku labadii qumbuladood nukliyeerka ahaa ku riday magaalooyinkii ugu muhiimsanaa Jabbaan oo ahaa Hiroshima iyo Nagasaki. Waxa kale oo isla maalintan dhacay in Midowga Soofiyati oo intii hore aan xulafada kula socon dagaalka ka dhanka ah Jabbaan, uu markan wax ka beddelay aragtidaas oo uu qaatay go’aan dagaal, waxa aanu qabsaday dhul uu marka hore Jabbaanku haystay.

Ciidamadii Jabbaan oo si xun ugu jabay dagaalka uu Midowga Soofiyati soo qaaday, isla markaana ay masiibo ku noqotay dhimashada xadhkaha goostay iyo burburka aan la malayn karin ee ka dhashay weerarrada qumbula durraha Maraykanku ku riday labada magaalo, ayaa kalliftay in markan uu hadlo Imaraadoorkii Jabbaan Hirohito.

15-kii Ogosto 1945 kii ayaa ay ahayd markan uu Imbaraadoorku jeediyey khudbaddan oo uu ku sheegay in uu aqbalay dhammaan shuruudihii iyo soo jeedimihii ku aaddanaa Jabbaan ee ka soo baxay shirkii saddexda dawladood ee xulafada ahaa. Dhinaca kalana waxa uu shacabka Jabbaan ugu baaqay in ay u dhabar adaygaan duruufaha adag ee uu dalku galayo, iyaga oo ilaashanaya midnimadooda.

Isla maalintan, markii uu boqorka Jabbaan go’aankaas adag ku dhawaaqay, ayaa waxaa is dilay wasiirkii gaashaandhigga ee dalka Jabbaan oo lagu magacaabi jiray Korechika Anami. Waxaa la sheegay in wasiirku uu si aad u fool xun isu dilay, oo isaga oo nool uu caloosha iska soo riday, isla markaana xubno jidhkiisa ka mid ah jarjaray, sababta keliya ee arrintaas foosha xun ku kalliftayna ay ahayd in uu qaadan kari waayey gunnimada dalkiisa soo gaadhay iyo ceebta jabka la soo dersay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here